Villa Somalia oo shaacisay xogta kulamo madaxweyne Xasan uu ka bilaabayo dalka…

Daaru-salaam (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray dalka Tansaaniya, ayaa halkaasi ka bilaabi doona kulamo muhiim ah.

Tansaaniya ayaa xarun u ah Dallada Bulshada Bariga Afrika ee dhawaan ay ku biirtay Soomaaliya, waxaana madaxweynaha uga bilaabatay booqasho rasmi ah.

Madaxweynaha oo martiqaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Tansaaniya Marwo Samia Suluhu Hassan ayaa la yeelan doona shir ku saabsan xaaladda gobolka iyo danaha wada-jirka ah ee ay wadaagaan labada dal, taasi oo ay kamid tahay Dallada ay ku mideysan yihiin ee Bulshada Bariga Afrika, sida lagu shaaciyay qoraal ay soo saartay Villa Somalia.

Tansaaniya ay lagu xasuusta inay ka mid aheyd dalalka doorka wanaagsan ka qaatay aqbalaadda codsiga Janhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ayadu xubin buuxda ka noqotay Dallada Bulshada Bariga Afrika ee EAC.

Villa Somalia ayaa sidoo kale sheegtay in wafdiga madaxweynaha inta uu ku sugan yahay Daaru-salaam ay kulammo la qaadan doonaan madaxda dalkaas, iyagoo kala hadli doona xiriirka soo jireenka ah ee labada dal.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa hordhigi doona madaxdaasi arrimo ay kamid yihiin dardar-gelinta xubinnimada Soomaaliya ee Dallada Geeska Afrika, iskaashiga arrimaha dhaqaalaha iyo maalgashiga.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka qeyb-geli doona sannad-guurada 60-aad ee midowga iyo qarannimada dalka Tansaaniya.