27.2 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Villa Somalia oo war kasoo saartay shirka Xasan iyo mucaaradka + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixisay shirka maanta u furmay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madasha Samatabixinta ee ay ku mideysan yihiin xubnaha mucaaraka, waxaana goobjoog ahaa Madaxweyne hore, Ra’iisul Wasaareyaal hore, Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka iyo xubno kale.

Villa Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in kulankan uu qayb ka yahay wada-tashiyada uu wado Madaxweynaha, isla markaana looga arrinsanayo xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, dastuurka, amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Shabaab.

“Kulanka  ayaa diiradda lagu saarayaa qodobbo ay ka mid yihiin dhammaystirka hannaanka dib-u-eegista dastuurka, hirgelinta hannaan doorashooyin oo toos ah iyo sidii la iskaga kaashan lahaa dadaalka wadajirka ah ee lagu ciribtirayo argagixisada” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Sidoo kale, qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha ay ka go’an tahay sii wadista wadatashiyada qaran ee u gogol-xaaraya in dadka Soomaaliyeed ay gaaraan mustaqbal xasilloon oo horseeda dimuqraadiyad, nabad waarta iyo horumar.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa si buuxda uga go’an sii wadista wadatashiyada qaran ee u gogol-xaaraya in dadka Soomaaliyeed ay gaaraan mustaqbal xasilloon oo horseeda dimuqraadiyad, nabad waarta iyo horumar” ayaa mar kale lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay Villada.

Mucaaradka ayaa si weyn uga biyo diidan qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh ee la xiriira qof iyo cod, waxayna in muddo ah shaki ka muujinayeen qaabka uu wax ku wado, maadaama aan heshiis lagu ahayn hanaanka doorashooyinka 2026.

Sidoo kale, mucaaradka ayaa kasoo horjeedo guddiga doorashooyinka oo kalsooni darro weyn ay ka qabaan, iyaga oo doonaya in la qabto doorashooyin heshiis lagu yahay.

Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee madashaan ku midoobay ayaa saacadihii iyo maalmihii lasoo dhaafay Muqdisho ku yeeshay kulamo is dabajoog ah, waxayna ugu dambeyn xalay go’aan ku gaareen in qodobo ay igu mihiimsan yihiin kuwaan ay ula tagaan Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dhankiisa Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qorsheynaya in mucaaradkiisa uu ku qanciyo in dalkaan ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, maadaama ayaguba ay cadeeyeen in doorasho dadban in loo noqdo aysan dooneyn.

Si kastaba, Shirka maanta u furmay Xasan iyo mucaaradka ah ayaa ah kii ugu horreeyay oo ay yeeshaan tan iyo markii Madasha Samatabixinta looga dhawaaqay Hotelka Jaziira ee magaalada Muqdisho, waxaana madasha ay horay u soo saartay war-murtiyeed ay ku dalbaneysay in Madaxweynuhu ka laabto dastuurka la beddelay iyo in laga heshiiyo doorashada.

- Advertisement -

Read more

Local News