Waa ayo maleeshiyada Fano ee khatarta ku haysa xukunka ra’iisul wasaare Abiy Ahmed?

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa shalay weerar culus ku qaadday kooxda maleeshiyada Fano ee ku sugan waqooyi-galbeed gobolka Amhara. Wararka gudaha laga helayo ayaa sheegaya in tiro rayid ah ay dagaalka ku dhinteen. Dowladda ayaan weli ka jawaabin sheegashadaas.

Dhanka kale, hay’adda xuquuqda aadanaha u doodda ee Amnesty International ayaa maanta ciidamada ku eedeysay inay rayid ku dileen magaalada Bahir Dar, oo ah caasimadda gobolka Amhara, xilli ay la dagaallamayeen Fano.

“Saameynta xuquuqda bani’aadamka ee dagaalka gobolka Amhara ayaan si shaac ah usoo bixin sababo la xiriira internet-ka oo gaabis ahaa, isgaarsiinta oo qeyb ahaan go’neyd iyo bandow jiray taasoo saameyneysa xorriyadda hadalka iyo warbaahinta iyo cabsi laga qabo aargoosi,” ayay hay’addu ku tiri warsaxaafadeedkeeda.. Dowladda ayaan ka jawaabin eedeymahan.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in tan iyo toddobaadkii hore, uu socday dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo maleeshiyada Fano kuna dhex marayay qeybo kala duwan oo gobolka ah. Waxay sheegeen in dagaal culus uu ka socday meelo badan sida Gojam, North Showa, South Wolo, Gondar, Marawi, South Mecha, Quarit, Sekala, Dega Damot, Antiochia Gemza, Showa Robit iyo Lalibela, isla markaana waddooyinka la xiray.

Taariikhda dagaal ee kooxdan ee gudaha Itoobiya

Kacdoonka kooxda Fano ee gobolka Amhara haatan waa mid ka mid ah khataraha amni ee ugu waaweyn ee saameynta ku leh Itoobiya.

Bishii November ee sanadkii tegay ayay ahayd markii uu dagaal ka qarxay magaalada taariikhiga ah ee Lalibela, iyadoo ciidamada dowladda iyo kooxdan Fano ay isku dhaceen, sida ay dadka deegaanka xilligaas sheegeen.

Lalibela ayaa hoy u ah kaniisadaha Qarnigii 13aad eel aga diwaan geliyay hay’adda QM ee Unesco.

Fano, oo ah maleeshiyo ku sugan deegaannada ku hareereysan gobolka Amhara, ayaa la dagaallameysay ciidamada Itoobiya tan iyo markii lagu amray inay hubka dhigaan.

Gobolka Amhara ayaa ubuc dagaal u ahaa maleeshiyada Fano iyo militariga muddo bilooyin ah.

Dowladda raysal wasaare Abiy Ahmed ayaa bandow lix bilood ah kusoo rogtay gobolka horraantii August iyadoo isku dayeysay in dagaalka la joojiyo.

Tan ayaa u oggolaatay dowladda inay dib u hanato magaalooyinka waaweyn oo ay ku jirto Lalibela oo ay la wareegtay Fano.

Ciidamada federaalka iyo kooxdan maleeshiyada ah ayaa markii hore ku bahoobay la dagaallanka ciidamada Tigray ee waqooyiga Itoobiya, kuwaasoo dowladda kacdoon ku bilaabay sanadkii 2020.

Dagaalka ayaa kusoo idlaaday in heshiis nabadeed la kala saxiixdo sanadkii hore kaasoo u dhaxeeyay dowladda Itoobiya iyo ciidamada Tigray.

Xiisad ayaa ka dhex bilaabatay Fano iyo dowladda Itoobiya kadib markii dowladdu ay ku amartay kooxda inay ku biiraan militariga.

Xoogaggan ku sugan Amhara ayaa sheegay in go’aanka dowladda uu gobolka ka hor istaagi doono inuu iska caabbiyo khatar walba oo mustaqbalka soo wajahda.

Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Itoobiya ayaa sheegay in ilaa 3000 oo qof ay guryahooda ka barakaceen tan iyo waagaas markuu dagaalku billowday.

Maxay yihiin maleeshiyada Fano?

Fano waxay ka dhigan tahay koox dhalinyaro hubeysan, oo kasoo jeeda gobolka Amhara, kuwaasoo ku lug leh difaaca bulshada.

Waa maleeshiyo ciidankeeda ka dhex qorata bulshada, iyadoo ka codsata inay si iskaa ah ugu soo biiraan. Waxay xulafo la ahayd ciidamada federaalka intii uu socday dagaalkii gobolka Tigray balse xiriirka labada dhinac ayaa xumaaday kaddib markii maleeshiyadu ay dowladda ku eedeysay inay isku dayeyso wiiqidda gobolka iyo iska cababintiisa gobollada deriska ah, eedyentaasoo ay dowladdu beenisay.

Si kastaba, asalka magaca kooxda ayaa dib loo raaci karaa qarniyo, luqadda Amharic marka la eegana waxay ka dhigan tahay ‘qof iskiis isu abaabulay’ ama ‘koox ciidan hoggaan la’aan ah oo aan cidna ka amar qaadan.’

Qarniyadii hore, Fano waxay il muhiim ah oo ciidan u ahayd hoggaamiyeyaasha gobolka, waxaana loo wacan jiray marka loo baahan yahay si ay u dagaallamaan.

Qarnigii 20aad, Fano ayaa waxaa sidoo kale adeegsaday maamulkii Haile Selassie si uu isaga caabbiyo duullaankii Talyaaniga intii u dhaxeysay 1936-41.

Markii sanadkii 2018, uu talada dalkaasi qabsaday raysal wasaare Abiy Ahmed, Fano ayaa kaoso horjeesatay iyadoo tabaneysay inaan wax laga siin awood-qeybsiga siyaasadda. Tan ayaa horseedday dibadbaxyo ka dhaca gobolka oo ay dhalinyaro horkacayeen.

Ilaa iyo haatan kooxda Fano ayaa xiriir wanaagsan la leh bulshada gobolka Amhara, maaddaama aaminaadda lagu qabo dowladda federaalka ee gobolku ay sii yaraaneysay, kooxdana loo arkayay inay bulshada difaaceyso.

Isha: BBC