Gaza (Caasimada Online) – Weerar dhanka cirka ah oo Israa’iil ka fulisay magaalada Khan Younis ee Koonfurta Qaza ayaa lagu dilay Saalax al-Bardaweel, oo ahaa mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha ugu sarreeya Xamaas.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in duqeynta sidoo kale lagu dilay xaaskiisa. Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay dilka Bardaweel, oo loo arkayay hoggaamiyaha ugu sarreeya ee siyaasadda Xamaas kaddib dilkii Yahya Sinwar iyo Rawhi Mushtaha.
Inkasta oo wararkaasi sii xoogeysanayaan, Israa’iil illaa iyo hadda kama aysan hadlin sheegashadaas.
Maamulka caafimaadka ee Qaza, oo ay Xamaas gacanta ku hayso, ayaa sheegay in ugu yaraan 18 qof lagu dilay weerarradii Axaddii ka dhacay Khan Younis iyo Rafah.
Weerarrada Israa’iil iyo xabbad-joojintii burburtay
Israa’iil ayaa dib u bilowday duqeymo culus oo ay ku hayso Gaza, taasoo timid kaddib markii ay burburtay xabbad-joojin socotay ku dhawaad laba bilood. Dowladda Israa’iil waxay Xamaas ku eedeysay inay diiday heshiis cusub oo uu Maraykanku soo jeediyay si xabbad-joojinta loo kordhiyo.
Dhanka kale, Xamaas waxay Israa’iil ku eedeysay inay ka baxday heshiiskii hore, kaasoo ay dhexdhexaadinayeen Qatar, Masar iyo Maraykanka. Heshiiskaasi wuxuu ku salaysnaa sii deynta maxaabiista, ka bixitaanka ciidamada Israa’iil ee Qaza iyo wadahadallo lagu soo afjarayo dagaalka.
Bayaan ay Xamaas soo saartay, waxay ku sheegtay in Bardaweel, oo 66 jir ahaa, la dilay isaga oo la tukanaya xaaskiisa markii gantaal uu ku dhacay teendhadii ay ku sugnaayeen.
Xaaladda Gaza iyo khasaaraha dagaalka
Tan iyo markii uu dagaalku qarxay 7-dii Oktoobar 2023, Israa’iil waxay wajaheysay eedeymo ku aaddan duqeymaha ay ka waddo Gaza.
Militariga Israa’iil ayaa sheegay in dagaalku yahay mid lagu burburinayo Xamaas, taasoo ka dhalatay weerarkii ay Xamaas ku qaaday Israa’iil, weerarkaasi oo lagu dilay 1,200 qof, laguna afduubtay 251 kale.
Wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ayaa sheegtay in in ka badan 49,500 Falastiiniyiin ah lagu dilay Qaza tan iyo markaas, iyadoo burbur xoogan uu soo gaaray kaabayaasha iyo guryaha Marinka Gaza.
Dhanka Rafah, wararka ka imaanaya waxay sheegayaan in ciidamada Israa’iil ay go’doomiyeen baabuurta gurmadka degdegga ah, iyadoo dhowr shaqaale caafimaad ah ay ku dhaawacmeen. Goobjoogayaal ayaa sheegay in rasaas culus lagu furay xaafado ku yaalla magaalada, taasoo sii murjisay xaaladda bani’aadamnimo ee halkaas ka taagan.