25.9 C
Mogadishu
Saturday, June 14, 2025

Kumuu ahaa Hossein Salami oo Israel ku dishay weerarka?

Bookmark
Bookmarked

Share

Tehran (Caasimada Online) – Hossein Salami, taliyihii Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC), ayaa lagu dilay weeraradii ay Israa’iil qaaday saaka oo Jimce ah – wuxuuna noqday hoggaamiyihii ugu sarreeyay ee Iiraani ah ee ku dhinta weerarradaas.

Salami, oo 65 jir ahaa, waxaa lagu yaqaanay inuu lahaa mowqif adag oo ka dhan ah cadawga Iran, gaar ahaan Israa’iil iyo Mareykanka. Bishii hore, wuxuu si cad u sheegay in Tehran ay “furi doonto albaabbada jahannamada” haddii la soo weeraro.

Isra’iil waxay qaaday weerarro ballaadhan oo ka dhan ah Iran, iyadoo sheegtay inay bartilmaameedsatay xarumaha nukliyeerka, warshadaha gantaallada ridada dheer, iyo saraakiisha milatari – inkasta oo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu uga digay Israa’iil inaysan carqaladeynin wadaxaajoodyada heshiis nukliyeer oo suuragal ah.

Tehran ayaa ku hanjabtay in Israa’iil iyo Mareykanka – oo beeniyay inuu ku lug lahaa weerarka – ay “bixin doonaan qiimo culus” oo ka dhalan doona weerarradan, taasoo kor u qaadday cabsi ah in gobolku galo xaalad dagaal oo adag.

Hawlgallada duqeymaha Israel ayaa sidoo kale lagu dilay Mohammad Bagheri, Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee Iran, Gholamali Rashid oo ah taliye ku xigeenka ciidamada Iran, iyo saynisyahanno badan oo ka tirsan barnaamijka nukliyeerka.

Maalin uun ka hor weerarradaas, Hossein Salami wuxuu sheegay in Iran ay “si buuxda ugu diyaar garowday xaalad kasta oo dhici karta.”

“Cadowgu wuxuu u maleynayaa inuu Iran kula dagaallami karo sidii uu ula dagaallamo Falastiiniyiinta aan hubeysneyn ee go’doonsan,” ayuu yidhi. “Annagu dagaallo waaweyn ayaan galnay oo khibrad ayaan leenahay.”

Salami wuxuu ku biiray Ilaalada Kacaanka (Revolutionary Guards) sanadkii 1980-kii intii lagu guda jiray dagaalkii Iran iyo Ciraaq. Wuxuu noqday taliye ku xigeen 2009-kii, kaddibna taliye guud toban sano kadib.

Tan iyo bilowgii 2000-meeyadii, Salami waxaa cunaqabatayn ku soo rogay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo Mareykanka, iyadoo lagu eedeeyay ka qeyb qaadashada barnaamijka nukliyeerka iyo milatari ee Iran.

Salami marar badan ayuu ku faanay awoodda milatari ee Iran, wuxuuna mar sheegay in waddankiisu uu “ku dhow yahay inuu noqdo quwad caalami ah.”

Wuxuu si cad u muujin jiray inuu diyaar u yahay dagaal toos ah oo lala galo Israel iyo Mareykanka. Ka dib duqeyn Israel ka fulisay bartilmaameedyo Iranian ah oo ku yaalla Suuriya 2019-kii, Salami wuxuu ballan qaaday inuu “khariidadda siyaasadeed ka tirtiri doono maamulka Sahayuuniyadda.”

Weerar kale oo bishii Abriil ee sanadkii hore lagu qaaday safaaradda Iran ee Suuriya, kaasoo lagu dilay toddobo xubnood oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka oo ay ku jireen laba janan, Salami wuxuu mar kale ku hanjabay: “Raggeenna geesiyaasha ah waxay ciqaabi doonaan maamulka Sahayuuniyadda.”

Iran iyo Israel waxay ahaayeen xulafo kahor kacdoonkii 1979-kii ee Iran, kaasoo xukunka u dhiibay nidaam si adag uga soo horjeeda Israel. Maanta, nidaamka Iran ma aqoonsana jiritaanka Israel, halka hoggaamiyaha ruuxiga ah ee dalkaas, Ayatollah Ali Khamenei, uu Israel ku tilmaamay “bar kansar ah” oo “si lama huraan ah loo jari doono loona burburin doono.”

Israel waxay sheegtay in hadallada Iran ay ka dhigayaan khatar jiritaankeeda ah. Israel iyo xulafadeeda waxay sidoo kale dhaliileen dhismaha xooggaga wakiilada ah ee Iran ku leedahay gobolka, oo ay ku jirto kooxda hubeysan ee Shiicada Lubnaan ee Hezbollah, taasoo ballan qaaday inay burburinayso Israel.

Salami iyo saraakiil sare oo kale oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka waxay si joogto ah talooyin u siiyaan hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iran.

Isha: BBC

- Advertisement -

Read more

Local News