Waa kuma Mahdi Maxamed Guuleed? (Taariikh kooban)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta ku guuleystay kursiga ugu horreeyey ee Golaha Shacabka 11-aad, kadib doorasho ka dhacday dugsiga tababarka ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Iskool Poliisiya.

Mahdi Guuleed ayaa ka adkaaday Marwo Mushtaaq Ibraahim Yuusuf, wuxuuna helay codad dhan 97 cod, halka musharixii la tartameysay ay heshay saddex cod oo kaliya, sidoo kale waxaa xumaaday hal cod.

Haddaba waa kuma Mahdi Guuleed?

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo taariikh sannadeedkii 1973 ku dhashay magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu waxbarashadiisii Dugsiga hoose ka qaatay Jeneral Daa’uud, Hargeysa. Halka uu waxbarashadiisii dugsiga Dhexe kusoo qaatay Axmed Guray, Hargeysa, waxbarashadiisii dugsiga Sarena kusoo qaatay Dugsiga Maxamuud Axmed Cali, Hargeysa.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa waxbarashadiisii sare ku sameeyay culuumta Sharciga isagoo ku qaatay Waddanka Ethiopia, sidoo kalena waddanka Ingiriiska ayuu Mudane Mahdi kasoo baxay Jaamacadda Aberdeen ee ku taalla Scotland.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa loo magacaabay Raysal Wasaare Ku Xigeenka XFS bishii Maarso 2017, Intii uu xilkaas wuxuu shaqooyin la taaban karo kasoo qabtay dhinacyada arrimaha bulshada, tiirarka dhaqaalaha, arrimaha ammaanka iyo siyaasaddaba.

Mudane Mahdi Guled ayaa qaranka ugu soo shaqeeyay ku simaha raysalwasaaraha dalka oo uu u magacaabay 25 bishii July, 2020, madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Maxamed (Farmaajo).

Mudane Mahdi ayaa hubin iyo taageero ku sameeyay qabyoqoraalkii Xeerka Deegaanka ee Heer Qaran, Shuruucda Qiimaynta Saameynta Bulsheed iyo mid Deegaan iyo Shuruucda La xidhiidha arrimaha deegaanka.

Mudane Mahdi ayaa la-shirgudoommiyay Shirkii Daneeyayaasha Soomaalida ee ka dhacay Brussels halkaas oo la iskula soo qaatay heshiisyo muhiim ah oo laga sameeyay dhinacyada ammaanka, siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bani’aadantinnimada.

Raysalwasaaraha ayaa kasoo shaqeeyay adeegyada dawladda iyo sidoo kale kuwa gaarka loo leeyahay labadaba. Wuxuu aqoon durugsan u leeyahay Sharciga oo kusoo shaqeeyay. Wuxuu wakhti iyo tacab muuqda geliyay hannaanka doorashooyinka ee Somaliland oo si dhaw ugala shaqeeyay Guddida Doorashooyinka Somaliland.

Wuxuu sidoo kale, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, soo noqday Hormuudka Kuliyadda Sharciga ee Jaamacadda Hargeysa halkaas oo uu ku sameeyay horumar dhanka manhajka ah sidoo kalena uu kor u qaaday tayada kulliyadda iyo Jaamacadda Guud ahaan.

Kahor inta aanu xilka Raysalwasaaraha qaban, mudane Mahdi Guled wuxuu la taliye barnaamij u ahaa Interpeace, oo ah hay’ad calami ah.

Raysalwasaare kuxigeen, Mahdi, waa aabbo dhalay 8 carruur ah.