ABIY oo soo saaray farriin guul-darro iyo Tigray-ga oo qabsaday magaalooyin kale

Dessie (Caasimada Online) – Ciidamada Tigray-ga ayaa Axaddii ku dhowaaqay inay qabsadeen magaalo muhiim ah oo ku taalla waqooyiga Ethiopia, hase yeeshee dowladda ayaa beenisay ayada oo sheegtay inay “dagaal xooggan kaga jirto magaalooyinka Kombolcha iyo Dessie.”

Haddii la xaqiijiyo qabsashada Kombalcha, oo imaneysa maalin kadib markii mucaaradka ay sheegeen inay qabsadeen Dessie, waxay ka tarjumi doontaa horumar deg deg ah oo ay TPLF ka sameeyeen dagaalka muddada sanadka ah socda.

“Si buuxda ayaan u maamuleynaa Komblacha,” waxaa sidaas yiri afhayeenka TPLF Getachew Reda oo qoraal soo dhigay twitter, taasi oo ka dhiggan duulaan weyn oo ay qadaeen mucaaradka kadib markii ay inta badan gobolka Tigray kasoo saareen ciidamada federaalka bishii June. 

Hase yeeshee afhayeenka dowladda Legesse Tulu ayaa shir jaraa’id ku sheegay “in dagaal xooggan uu ka socdo Dessie iyo Kombolcha.”

Dagaalka magaalada Kombolcha, oo ku taalla koonfurta Dessie, ayaa abuuray hadal ku saabsan in TPLF ay ku wajahan yihiin magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.

Getachew ayaa sheegay in TPLF “aysan laheyn wax ujeedo ah oo aan ka aheyn inay go’doominta ka qaado” gobolka Tigray, oo ay ka jirto xaalad bani’aadamanimo oo daran.

Gudaha Kombolcha, Semira oo ah 36 jir degan magaalada, ayaa sheegtay inay ciidamada mucaaradka Axaddii ku aragtay waddooyinka kadib markii ay kusoo tukatay masjid.

“Waxaan sidoo kale arkay ciidamo baabuuro uga baxaya magaalada,” ayey u sheegtay AFP.

Dukaan iibiye ku sugan magaalada oo magaciisa kusoo koobay Hamdiu ayaa sidoo kale sheegay inuu arkay ciidamada dowladda federaalka Ethiopia oo baabuuro xamuul ah uga baxaya magaalada.

Qoraal uu soo dhigay facebook, ayaa ra’iisul wasaare Abiy Ahmed wuxuu shacabka Ethiopia ugu baaqay inay “qaataan nooc kasta oo hub ah oo ay heli karaan, si ay joojiyaan kooxda TPLF.”

“Inaan Ethiopia u dhimano waa waajib dhammaanteen na saaran,” ayuu yiri isaga oo ku celinaya hadal ay horey u jeedisay dowladda gobolka Amxara. 

Maamulka Amxara — oo magaalooyinka Kombolcha iyo Dessie ay ku yaallaan – ayaa Axaddii soo saaray wareegto lagu amray in dhammaan hay’adaha dowladda ay joojiyaan adeegyada caadiga ah, ayna miisaaniyaddooda iyo dareenkooda u weeciyaan “olole badbaado ah.”

Qeybo kale oo ka mid ah gobolka Amxara, mucaarad ka yimid Oromia oo xulufo la ah TPLF ayaa iyagana sheegtay inay qabsadeen dhul ay ka saareen ciidamada dowladda.

Xaaladda Ethiopia ayaa u muuqata mid weji cusub yeelatay, waxaana suurta-gal ah in marka la eego dardarta ay ku socdaan TPLF, dib ula wareegaan waddanka oo idil, kadib guul-darrooyinb isdaba joog ah oo gaaray ciidamada Abiy Ahmed.