Rooble oo farriin culus diray kadib doorashadii maanta ka dhacday magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa war kasoo saaray doorashada Golaha Shacabka ee maanta ka bilaabatay magaalada Muqdisho, gaar ahaan dugsiga tababarka ee Janaraal Kaahiye.

Ugu horreyn ra’iisul wasaaraha ayaa hambalyo u diray ku xigeenkiisa Mahdi Maxamed Guuleed iyo Biixi Iimaan Cige oo kusoo baxay labadii kursi ee la qabtay doorashadooda.

Rooble ayaa sidoo kale sheegay inuu ku faraxsan-yahay in la bilaabo doorashada Golaha Shacabka, isaga oo xubnaha la doortay u rajeeyey inuu Alle la garab galo mas’uuliyadda

“Waxaan hambalyo u dirayaa 1. Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo 2. Xildhibaan Biixi IImaan Cige oo maanta loo doortay xubinnimada Golaha Shacabka ee BFS. Waxaan u rajeynayaa in uu Eebbe ku garab galo mas’uuliyadda cusub ee loo doortay,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo isagu ah mas’uulka ugu sarreeya ee doorashooyinka.

Sidoo kale Roobe ayaa intaasi kadib, farriin culus u diray hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada, wuxuuna ka dalbaday inay guda-galaan doorashada Golaha Shacabka.

“Waxaan dowlad-goboleedyada ka codsanayaa in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan doorashada Golaha Shacabka, anigoo rajeynaya in howlaha doorashooyinku guul noogu soo dhammaadaan,” ayuu sii raaciyey ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Doorashada Golaha Shacabka ayaa marar badan dib uga dhacday in la qabto waqtigii loogu talagalay, hayeeshee maanta ayey si rasmi ah uga bilaabatay magaalada Muqdisho.