Muxuu Mahdi Guuleed ka yiri guushii uu gaaray maanta?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ka hadlay guushii uu maanta kasoo hooyay kursiga ugu horreeya ee Golaha Shacabka, oo ka dhacday dugsiga tababarka ee ciidanka Booliska Jeneraal Kaahiye.

Mahdi Guuleed ayaa ka adkaaday Marwo Mushtaaq Ibraahim Yuusuf, wuxuuna ku soo baxay codad aad u badan, sida uu shaaciyey guddiga doorashada ee gobollada waqooyi.

Ra’iisul wasaare kuxigeenka dalka ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in si rasmi ah u bilaabato doorashada Golaha Shacabka oo dhowr jeer uu ku yimid dib u dhac.

“Guul ayaa noo bilaabatay in aan maanta furno oo daahfurno doorashada Golaha Shacabka Soomaaliyeed. Somaliland ahaan waa noo bilaabatay maanta waana wadi doona illaa ay dhamaadaan 44 kursi ee haray,” ayuu yiri Mahdi Guuleed.

“Waxaa rajeynaya inay bilaaban doonaan doorashada Golaha Shacabka ee xildhibaanada ka imanaya dowlad goboleedyada kale iyo banaadirigaba si ay noogu soo gaba-gabowdo doorashada Golaha Shacabka.”

Sidoo kale waxa uu bogaadiyey doorka Ra’iisul Wasaaraha, guddiga doorashooyinka Somaliland iyo midka federaalka uu ka qaatay qabsoomida doorashada Somaliland, oo bilihii dambe uu hadheeyay muran baahsan.

“Waxaa leeyahay hambalyo guul ayaa noo bilaabatay guul taariikhi ah. Inta aan qaban xilka Ra’iisul wasaare kuxigeenka waxaa ka shaqeyn jiray doorashooyinka, waana tubta keli ah ee lagu cusbooneysin karo dowlad.”

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa maanta helay codad dhan 97 cod, halka musharixii la tartameysay ay heshay saddex cod oo kaliya, sidoo kale waxaa xumaaday hal cod.

Natiijada soo baxday iyo guusha Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa aheyd mid hore loo sii saadaalinayey oo la filayey, maadaama uu isagu keensaday gabadha la tartameysay.