Xildhibaanadii ugu horeeyey golaha shacabka oo maanta lagu doortay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta ku guuleystay kursiga ugu horreeya ee Golaha Shacabka 11-aad, kadib doorasho ka dhacday dugsiga tababarka ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Iskool Polisiya 

Mahdi Guuleed ayaa ka adkaaday Marwo Mushtaaq Ibraahim Yuusuf, wuxuuna helay codad dhan 97 cod, halka musharixii la tartameysay ay heshay saddex cod oo kaliya, sidoo kale waxaa xumaaday hal cod.

Natiijada soo baxday iyo guusha Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa aheyd mid hore loo sii saadaalinayey oo la filayey, maadaama uu isagu keensaday gabadha la tartameysay.

Kursiga labaad ayaa waxaa ku guuleystay Biixi Iimaan Cige oo markale dib loogu doortay xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka. Biixi oo horay ugu fadhiyey kursigan ayaa ka adkaaday Cabdiraxmaan Xasan Ismaaciil.

Guddoomiyaha guddiga doorashada ee gobollada waqooyi (Somaliland), Khadar Xariir Xuseen oo shaaciyey natiijada ayaa sheegay in Biixi Iimaan Cige uu helay 91 cod, halka Cabdiraxmaan Xasan uu isna keensaday 9 cod, sidoo kale waxa halaabay 1 cod.

Ammaanka goobta ay doorashada ka dhacday ayaa aad loo adkeeyey, waxaana la geeyey goobta ciidan gaar ah oo ka tirsan kuwa Booliska ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Doorashada xildhibaada Golaha Shacabka ayaa ka duwan mida Aqalka Sare, waxaana xildhibaanada cusub kursi kastaa soo dooranaya illaa 101 ergo ah.

Doorashada kuraasta gobollada waqooyi ayaa markale lasii amba qaadayaa, iyada oo maalmaha soo socda la guda-gali doono doorashada xubnaha kale ee Somaliland.

Sidoo kale waxaa la filayaa in doorashadan ay dhankooda bilaabaan maamul goboleedyada, waxaana ugu horreeya Koonfur Galbeed oo ku qabaneysa Baydhabo iyo Baraawe.

Si kastaba, doorashada xildhibaada Golaha Shacabka ayaa ka duwan mida Aqalka Sare, waxaana xildhibaanada cusub kursi kastaa soo dooranaya illaa 101 ergo ah.