Mahad Salaad oo weerar ku qaaday siyaasiyiin dhowr ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa weerar afka ku qaaday Siyaasiyiinta ay ku kala aragti duwan yihiin xiisada ka dhaxeysa Ahlu-Sunna Waljamaaca iyo maamulka Galmudug.

Mahad Salaad ayaa waxa uu Siyaasiyiintaas ugu baaqay inay faraha kala baxaan xiisada ka taagan Galmudug, islamarkaana aan la garab siin hogaanka Ahlu-Sunna oo uu sheegay inay ku soo duuleen nidaam dhisan.

“Nimankan qeylinaya walaalayaalow haddii ay fiican yihiin wadaado in qori loo dhiibo oo xukun meel ka jira afduubtaan horta deegaanadiina kasoo sameeya kadib baa Guriceel iyo Dhuusamareeb ka hirgelinayna,” ayuu yiri Mahad Salaad..

“Walaalayaal fidno ha noo keenin dadkaan deegaankiisa waa joogan ayaga ayaa yaqaan maslaxadooda, ayaga horumarkooda ka shaqeynaya, dhibkiina iyo shidadiina naga daaya, haddii siyaasad dad isku haysaan meeshay jiraan aada.”

Mahada Salaad ayaa kamid ah Siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeeda in wada-hadal lala galo hogaanka Ahlu-Sunna, ayada oo la rumeysan yahay in degmada Guriceel uga baxeen si miiska is-fahamka wax loogu dhameeyo.

Hadalkan ayaa waxa uu kusoo aadaya xilli labada dhinac uu gudi ka dhex wado waan-waan lagu rabo in lagu soo afjaro xiisada maalmo ka hor isku rogtay dagaal uu ka dhashay khasaare badan.