Muxuu Lafta Gareen ka yeeli doonaa qorshaha Shariifka?

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen waxaa gacantiisa ku hartay 69 Xildhibaan oo golaha shacabka ah, kadib markii uu si aad loo dhaliilay isku dhaafiyey 8-dii Senator ee deegaan doorashadoodu aheyd K/Galbeed.

Xubnaha raadinaya kuraastaas ee Lafta Gareen uu wajahayo sanadkaan waxaa ku jira afar siyaasi oo horay u soo noqday guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo kala,  Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Sheekh Aadan Madoobe.

Seddex kamid afartaan xubnood xildhibaano ayey ahaayeen afartii sano ee lasoo dhaafay, balse Shariif Xasan waxaa kursigiisa ku fadhiyey wiilkiisa.

Sanadkaan waxaa si weyn isha loogu wada hayaa sida uu lafta Gareen u maareyn doono afartaas siyaasi ee cabqariyiinta ah.

Waxaa lagu eedeeyaa hoggaamiyaha Koonfur Galbeed inuu ka cararo waayo-aragnimada iyo dadka leh saaxiibada siyaasadda. Doorashadii Aqalka Sare waxa uu badalay 7 Senator.

Dadka uu keenay Aqalka Sare oo aan badi siyaasadda raad ku laheyn waxay daaha ka qaaday cabsida uu ka qabo waaya aragnimada iyo siyaasiyiinta miisaanka leh.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa magaalada Baydhaba tagay Shariif Xasan Sheekh Aadan, seddex sano ku dhawaad waa booqashadiisii koowaad ee Gobolkaas tan iyo markii cadaadis uu saaray maamulka Farmaajo iyo ciidanka Itoobiya, xilligii uu ahaa madaxweynaha K/Galbeed, waxuuna hoggaanka maamulkaas tartankii doorashada Koonfur Galbeed oo Villa Somalia ay ku gacan sareysay.

Shariif Xasan waxaa lagu tilmaamay nin culus oo weli tiirar siyaasadeed ku leh dalka, inkasta oo uu yahay musharax madaxweyne, hadana Shariif Xasan biyo dhammaadkiisa waxaa loo arkaa xildhibaanimo iyo inuu mar kale noqdo guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Inkastoo uusan helin soo dhaweyntii uu mudnaa hoggaamiye dib ugu soo laabtay halkii uu waqtiga dheer madaxda ka ahaa haddana waa kulmeyn isaga iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed Lafta Gareen.

Ciidanka Itoobiya ayaa la sheegay inay ammaankiisa sugeen. Banaanka madaxtooyada Koonfur Galbeed ayey dad badan ku sugayeen si ay dib ugu arkaan hoggaamiyihii dhidibada u taagay maamulka Koofur Galbeed.

Kooxda ololaha ee Shariif Xasan oo aan waydiinay ujeedka safarkiisa ee Gobolka waxay sheegeen inuu la xiriiro is xogwareysi uu la yeelanayo bulshada Gobolka iyo raadinta kursiga xildhibaanimo ee jufadiisa.

Haddaba su’aasha sida weyn la isku waydiinayo waxay tahay Lafta Gareen ma ogolaan doonaa inuu Shariif Xasan soo qaato kursi xildhibaanimo mise waa la diriri doonaa?

Xog-ogaalnimada gudaha waxay sheegeysaa in Lafta Gareen uu sanadkaan ajande weyn ka leeyahay kursiga guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo xisaab ahaan reerkaan ku suntanaa waqti aad u fog.

Shariif Xasan haddii uu xildhibaanimo soo qaato waa iska caddahay inuu u tartami doono guddoomiyaha Golaha Shacabka ayey leeyihiin dadka sida weyn u faaqida siyaasadda Soomaaliya.

Sidoo kale, inuu Shariif Xasan mar kale soo fuulo Ringaha siyaasadda waxay halis ku tahay siyaasiyiin badan oo miisaan kumeel gaar ah ku yeeshay siyaasadda Koonfur Galbeed Afartii Sano ee lasoo dhaafay.

Dadka yaaqana Cabdicasiis Lafta Gareen waxay sheegayaan inuu isku dayi doono inuu la diriro Shariif Xasan iyo inta badan xubnaha sida weyn loo yaqaan ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed si uu isaga usii ahaado Kaadirka ugu weyn ee wax laga waydiinayo siyaasadda Koonfur Galbeed.

Inkasta oo ay adag tahay in qof si toos ah looga hor istaago inuu u tartamo kursiga xildhibanimo ee golaha Shacabka, haddana madaxda maamulada waxay naqtiimin karaan casharada doorashadii 2016 markaas oo si toos ah boobay kuraas badan iyadoo la sameystay Ergo been ah.

Shacabiyadda weli nool ee Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo cilaaqaadka uu la leeyahay siyaasiyiinta kale ee kasoo jeedo maamulada dalka ayaa haddii uu kursiga xildhibaanimo soo helo waxay usii carfineysaa kursiga guddoonka Baarlamaanka.

Dadka u dhuun daloola siyaasadda Koonfur Galbeed waxay leeyihiin Lafta Gareen wuxuu arkayaa Hir kusoo socda, lamana yaqaano sidii uu u maareyn doono culeyska Shariifka, laakiin waxay u badan tahay inuu qaadi doono tallaabo liddi ku ah damaciisa.

Dadka Reer Koonfur Galbeed ayaa si gooni ah isha ugu hayo kursigaas.