Guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka oo soo saaray habraac cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka dadban ayaa maanta soo saaray habraac cusub oo loo marayo soo gudbinta dacwooyinka ka dhasha Kuraasta Golaha Shacabka oo isla maanta ka bilaabaneysa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Guddiga ayaa shaaca ka qaaday in illaa muddo 7 cisho ah uu baarayo, marka dacwadda lasoo gaarsiiyo, lana waafajiyo habraaca ay soo saareen.

Sidoo kale guddiga ayaa ku wargeliyey musharixiinta iyo codbixiyeyaasha in la qaataan habraaca ay soo saareen oo ku aadan sida loo wajahayo, haddii ay cabasho timaado.

Habraacan ayaa daba socda mid ay soo saareen Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Mahdi Maxamed Guuleed oo ku aadan xallinta cabashada doorashooyinka, waxaana qodob ka mid ah ka horyimid guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka dadban ee heer federaal.

Doorashada xildhibaada Golaha Shacabka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa lagu daah-furayaa labo kursi oo ka mid ah xubnaha ka imaanaya gobollada waqooyi.

Ammaanka goobta ay doorashada ka dhaceyso oo ah dugsiga tababarka ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Janeraal Kaahiye ayaa aad loo adkeeyey, waxaana la geeyey goobta ciidan gaar ah oo ka tirsan kuwa Booliska ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Si kastaba, doorashada xildhibaada Golaha Shacabka ayaa ka duwan mida Aqalka Sare, waxaana xildhibaanada cusub kursi kastaa soo dooranaya illaa 101 ergo ah.