MUUSE BIIXI oo xil ka-qaadis iyo magacaabis sameeyey

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa goordhaw wareegta uu soo saaray waxa uu amray in wasiirka Warshadda Horumarinta reer miyiga ee Somaliland uu sii ahaado Axmed Aadan Jaamac, halka wareegtada madaxweynaha lagu magacabay gudoomiyayaasha gobalada Sool iyo Gabileey.

Muuse Biixi ayaa Cabdiqani Maxamuud Jidhe u magacabay guddoomiyaha gobalka Gabiley ee Somaliland halka Cabdikariin Aadan Xaaji Diiriye uu u magacabaay guddoomiyaha goablka Sool ee Somaliland.

Halkaan hoose ka akhriso wareegtada kasoo baxday Muuse Biixi

Markuu Arkay: Dastuurka  Somaliland, Qodobka 90aad;

Markuu Arkay:  Xeerka kala Xadaynta Nidaamka Xukuumadda iyo Hay’adaha Madaxa-bannaan, Xeer Lr. 71/2015, Qodobka 18aad;

Markuu  Arkay: Muhiimadda ay yagleelka Wasaaradda Horumarinta Reer Miyigu u leedahay Dhismaha Xukuumadda uu go’aamiyay Madaxweynaha Somaliland  in Axmed Aadan Jaamac Axmed laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga ee Somaliland.

Sidoo kale Madxweynaha Soomaliland Muuse Biixi ayaa Cabdiqani Maxamuud Jiidhe oo ahaa Guddoomiyaha Gobolka Sool u bedelay in laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Gabiley ee Somaliland, halka Guddoomiyihii Gobolka Gibiley Cabdikariim Aadan Xaaji Diiriye laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Sool ee ee Somaliland.

Sidoo kale waxaa xilkii laga qaaday Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland  Maxamed Cabdi Maxamuud Samatar , waxaana tallaabadaan ay kusoo aadeysaa xilli todobaadyadii la soo dhaafay uu Madaxweynaha Somaliland sameeynayay xilka qaadis & magacaabis.