Hoggaamiyiha ugu sarreeya Taalibaan ee mudada la la’aa oo kasoo muuqday fagaare

Kandahar (Caasimada Online) – Hogaamiyaha ugu sareeya Taalibaan, Haibatullah Akhundzada ayaa kasoo muuqda meel fagaare ah oo ku taalla koonfurta magaalada Kandahar, kadib markii la faafiyey warar sheegaya inuu geeriyooday.

Akhundzada, oo loo yaqaano hogaamiyaha aaminka ah ama Amirul Mu’miniin, laguma arag meel fagaarayaasha tan iyo markii Taalibaan ay la wareegtay awooda dalka Afghanistan bishii Agoosto ee sanadkaan, taas oo dhalisay mala-awaalka geeridiisa.

Hogaamiye sare oo ka tirsan Taalibaan oo la socday Akhundzada ayaa sheegay in hogaamiyaha ugu sareeya kooxda uu booqday maalintii Sabtida aheyd iskuul diimeed ku yaalla magaalada Kandahar oo lagu magacaabo Jamia Darul Aloom Hakimia.

Ammaanka goobta uu booqday hoggaamiyahaan ayaa aad loo adkeeyay, mana jiraan wax sawirro ama muuqaallo ah oo laga qaaday, balse waxaa baraha bulshada ee Afganistaan lagu faafiyey cod 10 daqiiqo ah oo uu hoggaamiyaha jeediyey.

Inkastoo kooxda Taalibaan ay Bishii September ku dhawaaqday xukuumad markii ay dalkaas isaga baxeen ciidamadii uu hoggaaminayey Mareykanka, hadana Akhundzada wuxuu weli sii hayaa xilkii loo dhiibay sanadkii 2016-kii, kaas oo siinaya go’aanka ugu dambeeya ee kooxda, sida go’aannada dhanka Siyaasadda, Diinta iyo Arrimaha Milatariga.

Saraakiisha qaar ayaa sheegaya in Akhundzada uu sameeyay muuqaalo aan hore loo shaacin, balse kani waxuu ahaa codkii ugu horreeyay oo si rasmi ah loo shaaciyo, maadaama aan muddo badan warkiisa la helin, taas oo keentay in si joogto ah loo hadal hayo halka uu ku sugan yahay iyo caafimaadkiisa.

Taalibaan ma aysan xaqiijin geerida aasaasihii iyo hogaamiyahoodii ugu sareeyay, Mullah Omars sanado badan, waxaana jiray shaki ku aadan in hoggaamiyihii badalay ee Akhundzada uu isna geeriyooday lana qarinayo geeridiisa.

Akhundzada oo ahaa nin caan ah oo dhanka Diinta ku fiican ayaa si deg deg ah xukunka ula wareegay sanadkii 2016-kii, markaas oo duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka lagu dilay hogaamiyihii ka horreeyay, Mullah Akhtar Mansuur.

Kadib markii Akhundzada loo magacaabay hogaamiyaha Taalibaan waxa uu helay taageerada hogaamiyaha Al-Qaacida Ayman Al-Zawahiri, kaas oo ammaan ugu qubeeyey wadaadka, isaga oo ku tilmaamay “Amiirka mu’miniinta.”

Akhundzada waxaa loo xilsaaray mideynta dhaq-dhaqaaqa Taalibaan oo muddo kooban burburay intii lagu jiray loolankii qaraaraa ee ka dhashay dilkii Akhtar, iyo shaacinta geerida hoggamiye Cumar oo muddo sanado ah la qarinayey.

Muuqaalkiisa guud wuxuu inta badan ku koobnaa sii deynta fariimaha inta lagu jiro ciidaha Islaamka, waxaana Akhundzada la rumeysan yahay inuu inta badan waqtigiisa ku qaato Kandahar, oo ah magaalada ugu weyn ee ku taalla koonfurta wadanka Afghanistan oo ay ku xoogan tahay kooxda Taalibaan.

Farriintiisii ugu dambaysay waxay ahayd 7-dii Sebtembar, markaas oo uu u sheegay xukuumadda cusub ee Taalibaan loo soo magacaabay ee Kabul inay ilaaliso shareecada Islaamka, maadaama ay maamulayaan Afgaanistaan.

Mullah Yussef Wafa, oo ah guddoomiyaha Taaliban ee Kandahar, isla markaana ay aad isugu dhow yihiin Akhundzada, ayaa u sheegay wakaalada wararka France-Presse todobaadkii hore inuu si joogto ah ula xiriiro hogaamiyahiisa.

“Waxaan la leenahay shirar joogto ah oo ku saabsan xakamaynta xaaladda Afgaanistaan iyo sidii loo samayn lahaa dawlad wanaagsan,” ayuu yiri Mullah Yussef Wafa.

“Maadaama uu yahay macalinkeena, iyo macalinka qof walba, waxaan isku dayeynaa inaan wax ka baranno isaga” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

“Wuxuu talo siiya hoggaamiye kasta oo ka tirsan Imaarada Islaamiga ah ee Afgaanistaan, waxaana raacaynaa xeerarkiisa iyo taladiisa, haddii aan helno dowlad horumarsan mustaqbalka waa taladiisa.” ayuu mar kale yiri Mullah.