Doorashada golaha shacabka oo maanta billaabaneysa

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta si rasmi ah uga bilaabaneysa doorashada xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Doorashadan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa lagu daah-furayaa labo kursi oo ka mid ah xubnaha ka imaanaya gobollada waqooyi.

Labadaan kursi waxaa isku soo sharraxay oo is diiwaan-geliyey illaa afar musharrax oo uu ku jiro ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar.

Ammaanka goobta ay doorashada ka dhaceyso oo ah dugsiga tababarka ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Janeraal Kaahiye ayaa aad loo adkeeyey, waxaana la geeyey goobta ciidan gaar ah oo ka tirsan kuwa Booliska ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Goobta ay doorashada ka dhaceyso waxaa sidoo kale shalay kormeeray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo boggaadiyey qaabka ay wax u socdaan.

Sidoo kale waxaa la filayaa in doorashadan ay dhankooda bilaabaan maamul goboleedyada, waxaana ugu horreeya Koonfur Galbeed oo ku qabaneysa Baydhabo iyo Baraawe.

Si kastaba, doorashada xildhibaada Golaha Shacabka ayaa ka duwan mida Aqalka Sare, waxaana xildhibaanada cusub kursi kastaa soo dooranaya illaa 101 ergo ah.