Biixi Iimaan oo dib loogu doortay Golaha Shacabka

Muqdisho (Caasimada Online) – Biixi Iimaan Cige ayaa markale dib loogu doortay xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, kadib doorasho ka dhacday magaalada Muqdisho.

Biixi oo horay ugu fadhiyey kursigan ayaa ka adkaaday Cabdiraxmaan Xasan Ismaaciil,  kaas oo kula tartamay doorasho ka dhacday dugsiga tababarka Janeraal Kaahiye.

Guddoomiyaha guddiga doorashada ee gobollada waqooyi (Somaliland), Khadar Xariir Xuseen oo shaaciyey natiijada ayaa sheegay in Biixi Iimaan Cige uu helay 91 cod, halka Cabdiraxmaan Xasan uu isna keensaday 9 cod, sidoo kale waxa halaabay 1 cod.

Xildhibaan Biixi Iimaan ayaa noqonaya Mudanihii labaad ee loo doortay Golaha Shacabka, waxaana ka horreeyey Mahdi Maxamed Guuleed oo ku soo baxay kursigii koobaad.

Doorashada kuraasta gobollada waqooyi ayaa markale lasii amba qaadayaa, iyada oo maalmaha soo socda la guda-gali doono doorashada xubnaha kale ee Somaliland.

Sidoo kale waxaa la filayaa in doorashadan ay dhankooda bilaabaan maamul goboleedyada, waxaana ugu horreeya Koonfur Galbeed oo ku qabaneysa Baydhabo iyo Baraawe.

Si kastaba, doorashada xildhibaada Golaha Shacabka ayaa ka duwan mida Aqalka Sare, waxaana xildhibaanada cusub kursi kastaa soo dooranaya illaa 101 ergo ah.