Boulder (Caasimada Online) – Dhowr iyo toban qof oo ka qaybgalayay dibadbax ka dhacay magaalada Boulder ee gobolka Colorado ee Mareykanka, kuwaasoo muujinayay taageero ay u hayaan Israa’iiliyiinta lagu haysto Gaza, ayaa Axaddii lagu weeraray walxo gubanaya iyo qalab si farsamaysan loo sameeyay oo holciya dab, sida ay sheegeen goobjoogayaal.
Ugu yaraan siddeed qof ayaa ku dhaawacmay weerarka, labo ka mid ahna dhaawacooda ayaa lagu sheegay mid halis ah.
Muuqaallo laga baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya qiiq madow oo cirka isku shareeray meel maxkamadda degmada horteeda ah. Dadka goobta joogay ayaa lagu arkayay iyagoo u cararaya dhanka dad dhaawac ah oo dhulka yaalla, waxaana mid ka mid ah la arkayay isagoo adeegsanaya dhar si uu u damiyo dab ka shidnaa qof muuqda oo wali dhaqaaqaya.
Ninka la tuhunsan yahay ayaa muuqda isagoo xiran kaliya surweel, indho-shareer wata, gacantana ku haya dhalooyin dareere cad ah leh. Isagoo marba dhinac u socda ayuu hadalayaa, kuna qeylinayaa dad ka mid ah dadkii mudaharaadayay, iyagoo sugaaya booliiska.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in ay maqleen ninka oo ku dhawaaqaya “Free Palestine!” intii uu weerarka socday.
Tuhmanaha
Eedeysanaha ayaa la aqoonsaday in uu yahay Mohamed Sabry Soliman, oo ka soo jeeda dalka Masar. Sida uu sheegay xafiiska Waaxda Amniga Gudaha Mareykanka (DHS), Soliman wuxuu dalka ku soo galay fiisaha dalxiiska bishii Agoosto 2022, wuxuuna sharci-darro ku joogay tan iyo bishii Febraayo 2023, markii fiisihiisii uu dhacay, sida ay sheegtay afhayeenka DHS Tricia McLaughlin.
Soliman wuxuu codsaday magangelyo bishii Sebteembar 2022.
“Eedeysanaha weerarka argagixisanimo ee ka dhacay Colorado, Mohamed Soliman, wuxuu si sharci-darro ah ku joogaa dalkeenna,” ayay McLaughlin ku qortay barta X (Twitter hore).
Stephen Miller, oo ah ku-xigeenka madaxa shaqaalaha Aqalka Cad ahna hormuudka siyaasadda socdaalka ee Madaxweyne Donald Trump, ayaa barta X ku qoray in eedeysanuhu yahay ajaanib “si sharci-darro ah ugu nagaaday gudaha Mareykanka kadib markuu fiisihiisu dhacay.”
Muuqaallo qaar ayaa laga maqlayaa Soliman oo ku dhawaaqaya “End Zionists!” (Dhameeya Sahyuuniyadda) iyo “They are killers!” (Waa dilaayaal), isagoo la hadlayo dad xiran funaanado casaan ah oo u muuqday kuwo caawinayay qof dhaawac ah oo dhulka yaalla.
Soliman ayaa lagu qabtay goobta weerarka, waxaana loo qaaday xarun caafimaad oo lagu daweeyay dhaawacyo fudud. Sida laga helay dokumentiyada maxkamadda, waxaa lagu soo oogay dacwado isugu jira dil ula kac ah oo darajada koowaad ah, dembi naceyb ku saleysan oo heer federaal ah, iyo eedeymo kale.
Xiriir la leh dagaalka Gaza?
FBI-da ayaa weerarka u baaraysa si ay u go’aamiso in uu yahay “fal argagixiso.”
Soliman, 45 jir ah, ayaa horey uga shaqeynayay El Paso County. Sida uu sheegay xafiiska Sheriff-ka ee Boulder County, dammaanaddiisa waxaa lagu sheegay $10 milyan.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio, ayaa weerarka ku tilmaamay “weerar argagixiso oo bartilmaameed leh”, halka Xeer-ilaaliyaha Guud, Pam Bondi, ay ugu yeertay “weerar naceyb Yuhuudda ku saleysan oo naxdin leh.”
Weerarkan uu geystay Soliman ayaa noqday kii labaad ee muddo laba toddobaad gudahood ah ka dhaca gudaha Mareykanka, iyadoo la xiriirinayo dagaalka Israa’iil ee Gaza. Bishii May, laba shaqaale oo ka tirsan safaaradda Israa’iil ayaa lagu toogtay magaalada Washington, DC, iyadoo eedeysanaha weerarkaasi uu ku dhawaaqayay “Free Palestine.”
Eedeysanaha weerarkaas, Elias Rodriguez oo 31 jir ah, ayaa barta X kusoo qoray fariin uu si adag ugu dhaleeceeyay dowladaha Israa’iil iyo Mareykanka.
Dagaalka Israa’iil ee Gaza wuxuu billowday kadib weerarkii Xamaas ay qaaday 7-dii Oktoobar 2023, oo lagu qaaday koonfurta Israa’iil.
Tan iyo xilligaas, weerarrada Israa’iil ayaa sababay dhimashada in ka badan 54,300 qof oo Falastiiniyiin ah, sida ay sheegeen ilo caafimaad oo maxalli ah. Israa’iil ayaa marinka Gaza gelisay go’doon dhammaystiran, iyadoo Qaramada Midoobay ay ka digtay in boqolkiiba 100 dadka ku nool Gaza ay khatar ugu jiraan macaluul baahsan.