Washington (Caasimada Online) – Nin u dhashay magaalada Chicago ayaa Khamiistii lagu soo oogay laba dacwadood oo ah dil heerkiisu yahay darajada koowaad, kaddib markii lagu eedeeyay inuu toogtay oo uu dilay laba shaqaale oo ka tirsanaa safaaradda Israa’iil ee magaalada Washington.
Elias Rodriguez, 31 jir, ayaa lagu eedeeyay inuu rasaas ku furay koox dad ah fiidnimadii Arbacada xilli ay kasoo baxayeen munaasabad ay qabanqaabisay hay’adda u dooda Yuhuudda ee American Jewish Committee, taasoo u ololeysa la-dagaalanka Yahuud naceybka iyo taageeridda Israa’iil.
Sida ku cad warqadaha dacwadda, Rodriguez ayaa goobta ka sheegay: “Waxaan u sameeyay Falastiin, waxaan u sameeyay Gaza.” Goobjoogayaal ayaa sheegay in markii la qabtay uu ku dhawaaqayay, “Falastiin ha xorowdo.”
Labada qof ee rasaasta ku geeriyooday waxaa lagu magacaabay Yaron Lischinsky, 30 jir, iyo Sarah Lynn Milgrim, 26 jir — lammaane dhallinyaro ah oo qorsheynayay inay is guursadaan.
Asxaabtooda iyo xubno ka tirsan ururrada ay ka tirsanaayeen ayaa sheegay in labada marxuum ay u heellanayeen dhisidda isfaham iyo wada-shaqeyn u dhaxaysa Carabta iyo Yuhuudda, iyagoo ka shaqeynayay sidii loo yareyn lahaa dhiigga ku daadanaya Bariga Dhexe.
Markii falka dhacay kaddib, dhammaan safaaradaha Israa’iil ee caalamka ayaa si degdeg ah u adkeeyay ammaanka.
Rodriguez waxaa lagu soo oogay eedeymo dheeraad ah oo ay ka mid yihiin dilka diblomaasiyiin shisheeye, dil iyadoo la adeegsanayo hub, iyo toogasho lagu fuliyay fal dambiyeed rabshado wata, sida ku xusan dacwad ka kooban lix bog oo la gudbiyay.
Jeanine Pirro, ku-simaha Xeer-ilaaliyaha Guud ee Washington oo dhawaan uu magacaabay Madaxweyne Donald Trump, ayaa shir jaraa’id ku sheegtay in dacwadda ka dhanka ah Rodriguez ay noqon karto “mid lagu dalban karo xukun dil ah.”
“Waxaan sii wadi doonnaa baaritaanka, annagoo u eegayna falkan inuu yahay dembi naceyb ku saleysan iyo dembi argagixiso,” ayay tiri Pirro.
Xeer-ilaaliyaha Guud ee Mareykanka Pam Bondi ayaa hore u sheegtay in la rumeysan yahay in eedeysanuhu kaligiis falka fuliyay.
Khamiistii, markii uu markii ugu horreysay ka soo hormuuqday maxkamadda, Rodriguez wuxuu ka tanaasulay xuquuqdiisa dhageysi ku saabsan xabsiga lagu sii dayn karo, waxaana loo asteeyay dhageysi hordhac ah oo dhici doona 18-ka Juun.
Intii ay socotay maxkamadeyntiisa, Rodriguez wuxuu hadalkiisa ku koobay kaliya, “Haa,” markuu ka jawaabayay su’aalo uu garsooruhu ka weydiiyay haddii uu fahmay xuquuqdiisa.
Waxaa xilligaas la waday baaritaan ay wadeen FBI-da iyo booliiska si ay u baaraan qoraallo iyo xiriir siyaasadeed oo la tuhunsan yahay inuu lahaa eedeysanaha.
Manifeestada dilka
Dan Bongino, ku-xigeenka agaasimaha FBI-da, ayaa bartiisa bulshada ku sheegay in hay’adda ay “ka war hayaan qoraallo gaar ah oo la sheegayo inuu qoray eedeysanaha,” islamarkaana la rajeynayo in la xaqiijiyo saxnimadooda.
Qoraalka Bongino wuxuu u muuqday mid tixraacaya manifesto lagu saxiixay magaca Rodriguez, oo lagu daabacay xisaab qarsoon oo baraha bulshada ah fiidnimadii Arbacada, wax yar ka hor toogashada.
Qoraalkaas oo cinwaan looga dhigay “Kor u qaad dagaalka Gaza, keen gudaha Maraykanka,” ayaa si adag u cambaareeyay weerarrada Israa’iil ku dishay kumannaan Falastiiniyiin ah tan iyo weerarkii Xamaas ee bishii Oktoobar 2023, wuxuuna faaqiday suurtagalnimada in ficil hubeysan loo adeegsado difaaca Falastiin.
“Marka fal dhaco, dadku waxay raadiyaan qoraal u dhigaya micnaha ficilkaas — halkan waxaa ku jira isku day,” ayaa lagu yiri qoraalka. “Xasuuqa ay Israa’iil ka geysanayso dhulka Falastiiniyiinta waa mid aan la koobi karin, kana baxsan sharraxaad.”
Dowladda Israa’iil ayaa wajahaysa cambaareyn caalami ah oo sii xoogeysanaysa taasoo la xiriirta duqeymaha Gaza, halka hay’adaha u ololeeya Yuhuudda ay ka digeen kororka xadgudubyada antisemitism-ka caalamka.
Baarayaashu waxay sidoo kale baareen xiriir siyaasadeed oo hore uu la lahaa eedeysanaha.
Taariikhda Rodriguez
Rodriguez ayaa horey uga tirsanaa xisbi bidix-fog oo ka jira Chicago oo lagu magacaabo Party for Socialism and Liberation (PSL), sida lagu sheegay qoraal uu ururkaasi ku daabacay barta X. Wuxuu ururku sheegay in xiriirka uu la lahaa Rodriguez uu ahaa mid gaaban oo dhammaaday sanadkii 2017, isla markaana aysan wax xiriir ah la lahayn wixii ka dambeeyay.
“Annagu falkaan wax shaqo ah kuma lihin mana taageersanin,” ayuu yiri ururka.
Sidoo kale, warbixin maxalli ah oo sannadkii 2018 la daabacay ayaa Rodriguez ku tilmaantay inuu xubin ka ahaa faraca Chicago ee ururka qaran ee ANSWER (Act Now to Stop War and End Racism), kaasoo lagu yaqaan qabanqaabinta bannaanbaxyada taageerada Falastiiniyiinta. Ururkaasi kama uusan jawaabin fariimaha email iyo telefoon ee loo diray.
Xilligii la xirayay, Rodriguez wuxuu ka shaqeynayay hay’ad caafimaad oo aan dowli ahayn oo lagu magacaabo American Osteopathic Information Association, taasoo war-saxaafadeed ay soo saartay ku muujisay tacsi ay u dirtay qoysaska dhibbanayaasha.
Wuxuu sidoo kale hore uga shaqeeyay The HistoryMakers, urur u heellan kaydinta taariikh nololeedyada dadka madow ee Mareykanka, halkaas oo uu ka ahaa cilmi-baare taariikhda afka. Waxaa intaa dheer inuu ka shaqeeyay shirkado tiknoolaji ah isagoo ahaa qoraa maaddooyinka dijitaalka ah.
Rodriguez wuxuu ku dhashay kuna barbaaray Chicago, wuxuuna 2018 ka qalin jabiyay Jaamacadda Univeristy of Illinois ee Chicago isagoo bartay cilmiga Ingiriisiga.
Sida ku cad qoraalka FBI-da, eedeysanuhu Talaadadii wuxuu kasoo duulay Chicago kuna yimid Washington. Arbacadii fiidkii, booliisku waxay sheegeen in lagu arkay isagoo lugeynaya bannaanka matxaf ku yaalla qiyaastii 2 km u jira Aqalka Cad, wax yar ka hor toogashada.
Kaamirooyinka ammaanka ayaa muujiyay Rodriguez oo dhowr jeer rasaas ku ridaya Lischinsky iyo Milgrim, kadibna mar kale kor ugu laabanaya jirka Milgrim oo isku dayaysay inay gurato, islamarkaana kursi isugu fariisatay, isagoo markaas sii wadaya toogashada, sida ku xusan warqadda dacwadda FBI-da.
Wuxuu markaas tuuray bastooladdii, gudaha ugu laabtay matxafka, halkaas oo lagu xiray kaddib markii uu ismuujiyay isagoo soo bandhigay calanka casaanka ah ee keffiyeh-ga Falastiin iyo isagoo qirtay falka.
Baarayaashu waxay goobta ka heleen bastoolad 9mm ah oo uu sanadihii hore kasoo iibsaday gobolka Illinois, 21 xabbadood oo la riday iyo sanduuq rasaas ah, sida ku cad dacwadda.
Cambaareynta Trump iyo Netanyahu
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka.
“Dilka foosha xun ee ka dhacay D.C., oo si cad ugu saleysan naceyb Yuhuudda ka dhan ah, waa inuu joogaa HADA!” ayuu ku qoray bartiisa Truth Social. “Naceybka iyo xagjirnimadu meel kuma laha Mareykanka.”
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay: “Qalbigayga waxaa dhaawac weyn ka gaaray qoysaska labada dhibbane oo noloshoodii lagu jaray hal daqiiqo oo uu geystay gacan-ku-dhiigle naceyb wata.”
Wuxuu intaas ku daray: “Waxaan markhaati u nahay khasaaraha xun ee ka dhasha antisemitism-ka iyo ololaha xagjirka ah ee ka dhanka ah Israa’iil — waa in si adag loola dagaallamaa labadaba.”
Falkan ayaa la filayaa inuu sii xoojiyo khilaafka siyaasadeed ee gudaha Mareykanka ee la xiriira dagaalka Gaza, iyadoo kooxaha taageera Israa’iil iyo dibadbaxayaasha u ololeeya Falastiiniyiinta ay mar kale si adag ugu kala aragti duwan yihiin.
Garabka midig ee taageera Israa’iil oo uu hoggaaminayo Trump ayaa mudaaharaadyada Falastiin u arkaya kuwo naceyb salka ku haya. Xukuumaddiisa waxay xirtay dibadbaxayaal aan maxkamad la horgeyn, waxayna sidoo kale joojisay maalgelinta jaamacado Maraykan ah oo oggolaaday in ay mudaaharaadyadu ka dhacaan.