27.9 C
Mogadishu
Sunday, June 15, 2025

Waa kuma ninka fuliyey weerarka lagu toogtay labada xildhibaan ee Mareykanka?

Bookmark
Bookmarked

Share

Minneapolis (Caasimada Online) – Booliiska gobolka Minnesota ayaa Sabtidii billaabay ugaarsi weyn oo lagu doonayo gacan ku dhiigle toogtay laba xildhibaan oo ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga, midkoodna dilay iyada iyo seygeeda, halka uu si xun u dhaawacay xildhibaanka kale.

Barasabaka gobolka Minnesota Tim Walz ayaa weerarkan ku tilmaamay mid siyaasadeysan oo si gaar ah loo bartilmaameedsaday.

Weerarku wuxuu yimid xilli khilaafaadka siyaasadeed ee Mareykanka ay marayaan heerar aad u sarreeya, iyo isla maalintii ay tobanaan kun oo qof dibadbaxyo looga soo horjeedo siyaasadda Madaxweyne Donald Trump ka dhigayeen magaalooyin badan oo dalka ah.

Booliisku waxay sheegeen in eedeysanaha uu yahay Vance Luther Boelter, oo 57 jir ah, welina aan la qaban, laguna tilmaamay “qof hubeysan oo khatar ah.”

“Waxaan aaminsanahay inuu isku dayayo inuu ka baxsado gobolka, gaar ahaan aagga Minneapolis-St Paul,” ayuu yiri Drew Evans, taliyaha Hay’adda Dambibaarista Gobolka (BCA), oo shir jaraa’id qabtay.

Evans wuxuu sheegay in Boelter lagu arkay duhurnimadii Sabtida isagoo ku sugan magaalada Minneapolis, iyadoo muuqaalkiisa laga helay kaamiro amni oo meel ganacsi ku dheggan.

Wuxuu sidoo kale sheegay in weli la baarayo waxa ku kallifay weerarka, islamarkaana aan la ogayn in dad kale ku lug lahaayeen.

Madaxweyne Trump iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Mareykanka Pam Bondi ayaa cambaareeyay weerarka, iyagoo ku tilmaamay “falal naxdin leh,” kana digay in dembiilayaasha la horgeyn doono cadaaladda “si buuxda oo sharciga waafaqsan.”

Weerar beegsi siyaasadeed ah

Guddoomiyaha gobolka Minnesota, Tim Walz, ayaa sheegay in Melissa Hortman – oo horey u ahayd guddoomiyaha Aqalka Wakiillada gobolka – iyo seygeeda Mark lagu dilay gurigooda oo ku yaalla xaafadda Brooklyn Park ee agagaarka Minneapolis.

Sidoo kale, Senator John Hoffman iyo xaaskiisa Yvette ayaa lagu toogtay gurigooda oo ku yaalla magaalada Champlin, sida uu sheegay guddoomiyuhu, isagoo hadalka jeedinayay isagoo murugo la halgamaya.

“Tani waxay ahayd weerar si cad u bartilmaameedsan oo siyaasadeysan,” ayuu Walz u sheegay weriyeyaasha. “Dimoqraadiyaddu waxay ku dhisan tahay dood iyo wadahadal nabadeed. Ma xallino khilaafaadka annagoo is tooganayna.”

Taliye Evans wuxuu sheegay in Hoffman laga soo saaray qalliinka islamarkaana xaaladdiisu deggan tahay, inkastoo uu qabo dhaawacyo culus.

Weerarka ayaa bilaabmay markii Hoffman iyo xaaskiisa la toogtay, waxaana qiyaastii 90 daqiiqo kadib la dilay Hortman iyo seygeeda, sida uu sheegay Evans. Booliisku waxay ku sugnaayeen guriga Hoffman markii weerarka labaad uu dhacay.

Eedeysanaha Boelter ayaa ku guuleystay inuu ka baxsado goobta, inkastoo rasaas ay is waydaarsadeen isaga iyo booliiska agagaarka guriga Hortman.

Shirkadda ammaanka guryaha ee Praetorian Guards Security Services ayaa ku sheegtay boggeeda internet-ka in Boelter uu ahaa agaasimaha ilaalada habeenkii ee shirkadda.

Isku-ekaysi askari boolis

Mas’uuliyiintu waxay rumeysan yihiin in Boelter uu weerarada ku fuliyay isagoo isku ekaysiinaya askari boolis ah.

Dibadbax ka dhici lahaa Minneapolis, oo qeyb ka ahaa mudaharaadyada qaran ee “No Kings” ee la qorsheeyay Sabtidii, ayaa la joojiyay kadib markii boolisku soo saareen amar lagu farayo dadka in ay guryahooda joogaan, sababo la xiriira weerarada dhacay.

Boolisku waxay sheegeen in gaariga Boelter laga helay boorarka dibadbaxyada iyo qoraal manifesto ah oo lagu magacaabay siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin dowladeed.

Xiisad sare ayaa laga dareemayay guud ahaan dalka. Tusaale ahaan, gobolka Texas waxaa la daadgureeyay xarunta baarlamaanka gobolka kadib markii la helay “hanjabaad la isku halleyn karo oo loo jeediyay xildhibaanada qorsheynayay in ay dibadbax ka qeyb galaan maalintaas.”

Magaalada Brooklyn Park, oo ay deganayd Melissa Hortman, booliisku waxay galinkii dambe ee Sabtida ka qaadeen amarkii dadka lagu farayay in ay guryahooda ku nagaadaan. Inkastoo eedeysanaha wali la raadinayo, mas’uuliyiintu waxay sheegeen in “ay jiraan sabab loo rumeysan yahay” inuusan hadda ku sugneyn deegaankaas.

Mareykanka ayaa wajahayay kala qaybsanaan siyaasadeed tan iyo markii Madaxweyne Trump dib ugu soo laabtay Aqalka Cad bishii Janaayo.

Trump ayaa dhaleecayn xooggan kala kulmay Dimoqraadiyiinta, kuwaas oo ku eedeeyay siyaasado xagjirnimo ku dhisan, oo ay ka mid yihiin: xannibaadda socdaalka, weerarada joogtada ah ee uu ku hayo jaamacadaha iyo warbaahinta, iyo in uu ka tallaabo xuduudaha awoodda madaxweynenimo isagoo u adeegsanaya fulinta ajandihiisa siyaasadeed.

“Xilligan xasaasiga ah ee taariikhda ah, dhacdadan naxdinta leh ee ka dhacday Minnesota waa in ay inoo noqotaa cashar,” ayuu yiri guddoomiye Walz.

“Dimoqraadiyadda iyo dooda lagu hayo baarlamaanka federaalka, kuwa gobollada, iyo goleyaasha waxbarashada, waa dariiqa kaliya ee lagu xallin karo khilaafaadka, loogana shaqeyn karo horumarka bulshada.”

Senator Amy Klobuchar oo ka tirsan gobolka Minnesota ayaa Melissa Hortman ku xustay inay ahayd saaxiib nafteeda u huraysay adeega dadweynaha, iyadoo si gaar ah uga shaqeysay arrimaha xuquuqda haweenka iyo korontada nadiifka ah.

Gabby Giffords, oo horey u ahayd xildhibaanad Congress-ka Mareykanka ka tirsan una ololeysa la dagaalanka rabshadaha hubeysan kadib markii 2011 madaxa looga toogtay, ayaa sheegtay in ay “si xad dhaaf ah uga naxday” geerida Hortman.

“Waa in aan ilaalinnaa dimoqraadiyaddeena oo aan ka difaacnaa kuwa isku dayaya inay rasaas ku burburiyaan,” ayay Giffords ku qortay barta X (Twitter).

- Advertisement -

Read more

Local News