Washington (Caasimada Online) — Warbaahinta Maraykanka ayaa werinaysa in ninka lagu tuhunsan yahay inuu toogasho ku dhaawacay laba askari oo ka tirsan Ciidanka Ilaalada Qaranka (National Guard) meel u dhow Aqalka Cad, uu yahay nin u dhashay dalka Afghanistan, kaas oo horey ula soo shaqeeyay ciidamada Maraykanka intii ay ku sugnaayeen dalkaas. Washington ayaa dhacdadan si degdeg ah ugu tilmaantay “fal argagixiso.”
Raxmaanullaah Lakanwal, oo 29 jir ah, ayaa la sheegay inuu rasaas oodda kaga qaaday askarta oo roondo ku jiray gelinkii dambe ee Arbacada, ka hor inta aan isagana la toogan oo aan dhaawac ahaan loo dhigin isbitaalka, sida ay baahiyeen New York Times, CBS, NBC iyo kuwo kale.
Iyadoo aanay magaciisa carrabaabin, ayay Xoghayaha Amniga Gudaha Kristi Noem ku sheegtay baraha bulshada in eedaysanuhu uu ahaa “mid ka mid ah dadkii badnaa ee aan sooyaalkooda aan la hubin, kuwaas oo si guud loogu soo daadiyay Maraykanka iyada oo la raacayo barnaamijkii Operation Allies Welcome.”
Barnaamijkan, oo uu hirgeliyay madaxweynihii hore Joe Biden, ayaa fursad dib-u-dejin ah siinayay dadka Afgaaniyiinta ah ee noloshoodu khatarta ku jirto, oo ay ku jiraan kuwii garab istaagay ciidamada Maraykanka, kadib markii ay Taliban dib u la wareegtay talada dalkaas.
Telefishinka NBC, oo soo xiganaya qof qaraabo la ah eedaysanaha, ayaa sheegay in Lakanwal uu Maraykanka soo gaaray bishii September 2021, isagoo muddo 10 sano ah ka tirsanaa ciidamada Afgaanistaan, isla markaana si dhow ula shaqeeyay Ciidamada Gaarka ah ee Maraykanka, gaar ahaan gobolka Kandahar.
Sidoo kale, Fox News oo soo xiganaysa Agaasimaha hay’adda sirdoonka ee CIA, John Ratcliffe, ayaa sheegtay in Lakanwal uu la soo shaqeeyay hay’ado kala duwan oo ka tirsan dowladda Maraykanka, oo ay ku jirto hay’adda sirdoonka.
Sida ay weriyeen CNN iyo CBS oo soo xiganaya mas’uuliyiinta amniga dadweynaha, Lakanwal ayaa codsaday magangalyo sanadkii 2024, taas oo la ansixiyay sanadkii 2025.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa isna sheegay in eedaysanuhu yahay Afgaani Maraykanka yimid 2021-kii, isagoo adeegsaday “duulimaadyadii ceebta badnaa,” taas oo uu ula jeedo daad-gurayntii degdegga ahayd ee Afgaaniyiinta markii ay Taliban la wareegtay dalkaas burburku aafeeyay kadib bixitaankii Maraykanka.
Wax yar kadib hadalka Trump, Hay’adda Adeegga Dhalashada iyo Socdaalka ee Maraykanka (USCIS) ayaa si rasmi ah u hakisay dhammaan codsiyada qaxooti ee dadka u dhashay Afgaanistaan muddo aan la cayimin.
“Laga bilaabo hadda, ka shaqaynta dhammaan codsiyada socdaalka ee la xiriira muwaadiniinta Afgaanistaan waa la joojiyay muddo aan la cayimin, inta laga sameynayo dib-u-eegis dheeraad ah oo ku saabsan hab-raacyada amniga iyo hubinta,” ayay hay’addu ku sheegtay qoraal ay soo dhigtay baraha bulshada.
Adeegsiga muranka dhaliyay ee ciidamada
Trump ayaa weerarka ku tilmaamay “fal nacayb ah iyo fal argagixiso,” isagoo ugu yeeray “dambi ka dhan ah qarankeena oo dhan.”
Weerarkan naxdinta leh, oo dhacay xilli ay waddooyinka iyo xafiisyada faras-magaalaha Washington aad u mashquul ahaayeen, ayaa dib u soo celiyay diiradda lagu hayo go’aanka muranka badan dhaliyay ee Trump uu ku militaraynayo la-dagaalanka dambiyada dalka oo dhan.
Madaxweynaha ayaa ciidamo geeyay magaalooyin dhowr ah oo dhammaantood ay maamulaan xisbiga Dimoqraadiga, oo ay ku jiraan Washington, Los Angeles iyo Memphis. Tallaabooyinkan ayaa dhaliyay dacwado badan iyo mudaaharaadyo kaga imanaya mas’uuliyiinta maxalliga ah, kuwaas oo ku eedeeyay Jamhuuriga inuu raadinayo awoodo kali-talisnimo ah.
Hadalka Trump ayaa sidoo kale tilmaamay in ololihiisa muranka badan dhaliyay ee lagu soo xirayo soo-galootiga dalka ku jooga sifo sharci-darro ah — oo ah udub-dhexaadka ajandihiisa gudaha — uu heli doono dardar cusub.
“Waa inaan hadda dib u baarnaa shaqsi kasta oo ajnabi ah oo dalkeenna ka soo galay Afgaanistaan” xilligii Biden, ayuu qoray. “Waa inaan qaadnaa dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si aan u hubinno in la tarxiilo ajnabi kasta oo ka yimid waddan kasta haddii aanu halkan lahayn, ama aanu faa’iido ku soo kordhinayn dalkeenna; haddii aysan jeclaan karin dalkeenna, ma rabno.”
Jeffery Carroll, taliye ku-xigeenka booliska Washington, ayaa sheegay in dableygu uu dhibbanayaasha u galay “jidgooyo”. Waxa uu intaas ku daray, “Waxa uu ka soo baxay geeska dhismaha, isagoo gacanta kor u haya oo ku hubeysan qori, wuxuuna rasaas ku furay xubnaha Ilaalada Qaranka.”
Agaasimaha FBI-da, Kash Patel, ayaa sheegay in labada askari ee Ilaalada Qaranka ay ku sugan yihiin “xaalad halis ah.” Trump ayaa hore baraha bulshada ugu sheegay in eedaysanaha laftiisu uu “sidoo kale si xun u dhaawacmay, laakiin si kastaba ha ahaatee, uu bixin doono qiimo aad u qaraar.”
Amniga iyo hubinta soo-galootiga
Ururka AfghanEvac, oo gacan ka geystay dib-u-dejinta Afgaaniyiinta ee Maraykanka kadib bixitaankii Washington, ayaa sheegay in dadkani ay maraan “qaar ka mid ah baaritaannada amniga ee ugu adag” ee la mariyo soo-galootiga.
“Falkan goonida ah ee rabshadaha wata ee shaqsigan, waa inaan loo adeegsan marmarsiinyo lagu sumeeyo ama lagu liido bulsho dhan,” ayuu yiri madaxweynaha ururkaas, Shawn VanDiver.
Dhismaha dowladda ee Washington ayaa si weyn loo ilaaliyaa, balse magaaladu kama badbaado dambiyada halista ah ee waddooyinka. Trump ayaa magaalada ka dhigay tusaale muujinaya go’aankiisa ah inuu geeyo askarta Ilaalada Qaranka — oo xiran dharka ciidanka mararka qaarna sita qoryaha — si ay u sugaan amniga.
Isagoo ka jawaabaya toogashada Arbacadii, Xoghayo Gaashaandhigga Pete Hegseth ayaa ku dhawaaqay in 500 oo askari oo dheeraad ah la geyn doono Washington, taas oo tirada guud ka dhigaysa 2,500.
Si kastaba ha ahaatee, garsoore federaal ah ayaa Khamiistii la soo dhaafay xukumay in ciidamada Ilaalada Qaranka ee Trump uu ku daadiyay caasimadda Maraykanka ay tahay tallaabo sharci-darro ah.

