Tehran (Caasimada Online) – Ciidamada Maraykanka ayaa Sabtidii xalay duqeeyay saddex goobood oo muhiim u ah Nukliyeerka Iran. Talaabadan ayaa Maraykanka ku biirisay dagaalka Israa’iil ay kula jirto Iran, taasoo laga yaabo inay billowdo weji aad u khatarsan oo colaadeed.
Mas’uul ka tirsan Maraykanka ayaa sheegay in lix diyaaradood oo dagaal oo Maraykan ah ay ku rideen daraasiin bamam ah oo miisaankoodu yahay 30,000 oo rodol oo nooca loo yaqaano bunker-busters ah xarunta nukliyeerka ee Fordo. Waxa kale oo uu intaa ku daray in gujisyo (submarines) ay rideen 30 gantaal oo nooca cruise missiles ah oo ay ku weerareen goobaha Natanz iyo Isfahan. Mid ka mid ah diyaaradaha wax burburiya ee nooca B-2 ayaa sidoo kale laba bam oo bunker-busters ah ku tuuray Natanz, sida uu mas’uulkaasi xaqiijiyay.
Madaxweyne Trump ayaa khudbad uu jeediyay wax yar ka dib weerarradii dhacay ku sheegay in goobaha nukliyeerka ee Iran “si buuxda oo dhammaystiran loo baabi’iyay.” Dhanka kale, Hay’adda Tamarta Atoomikada ee Iran (Atomic Energy Organization of Iran) ayaa xaqiijisay in saddexda goobood la weeraray, waxayna intaa ku dartay inay tallaabo sharci ah ka qaadi doonto Maraykanka, lana tiigsan doonto maxkamadaha caalamiga ah.
Haddab waa kuwan xarumaha nukliyeerka ee Maraykanku duqeeyay.
Fordo
Fordo waa xarunta Iran ugu muhiimsan ee kobcinta uraniumka, waxaana laga dhisay meel aad ugu hooseysa buur si looga ilaaliyo weerarrada. Kaliya ciidamada Maraykanka ayaa haysta bambooyin gaari kara goobta, waxaana loo baahan yahay bambooyin badan in lagu rido hal meel si loo gaaro dhismaha xarunta..
Mas’uul ka tirsan Maraykanka ayaa sheegay in qiimeynta hordhaca ah ee burburka ay muujinayso in xarunta “gebbi ahaan la baabi’iyey”.
Si kastaba ha ahaatee, xildhibaan Iraani ah ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku sheegay in goobta la daadgureeyay “wakhti hore” iyadoo laga cabsi qabo weerarro.
Natanz
Natanz waa goobta ugu weyn ee Iran ay ku kobciso uraniumka, waxaana soo gaaray burbur dhowr jeer oo ay weerareen ciidamada Israa’iil.
Xarumaha Natanz ee dhulka sare ka muuqda ayaa burburay maalintii ugu horreysay ee duqeymaha Israa’iil. Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atoomikada (International Atomic Energy Agency) ayaa Isniintii sheegtay in kaabayaasha korontada ee warshadda ay burburiyeen duqeymaha Israa’iil, iyo in luminta korontada ay sidoo kale burburisay qalabka casriga ah ee centrifuges-ka ah ee goobta.
Isfahan
Shidaalka nukliyeerka ee ku dhow heerka bamka ayaa la rumaysan yahay in lagu kaydiyo dhismo ku yaalla bannaanka caasimaddii hore ee Isfahan. Kormeerayaasha caalamiga ah ayaa daawaday kaydadka shidaalka ilaa laba toddobaad ka hor, inkastoo aan caddayn in Iran ay sahaydaas dhaqaajisay maalmihii la soo dhaafay, sida ay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Iran soo jeediyeen.
Haddii goobtaas la burburiyo, waxay dib u dhigi kartaa barnaamijka nukliyeerka Iran sanado badan, haddii aanay jirin xarumo kale oo aan la ogaan oo barbar socda.
Ciidamada Israa’iil ayaa horay u weeraray shaybaarrada xaruntaas ee ka shaqeeya beddelidda gaaska uraniumka oo loogu rogo qaabka looga baahan yahay in lagu soo saaro hub nukliyeer ah. Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa mar kale weeraray xarunta ka hor duqeyntii Maraykanka, sida ay sheegeen ciidamada Israa’iil iyo wakaalad wararka Iran ah oo dawladda xiriir la leh.