Xog: Maxaad kala socotaa xubnaha Farmaajo ku dhow ee Nairobi ka wada qorista wasiirada cusub?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo ay heshay shabakadda Caasimadda Online ayaa xaqiijinayo inay magaalada Nairobi ka socoto qorista wasiirada cusub ee dhawaan la faliyo inu ku dhawaaqo Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Magaalad Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa lasoo sheegayaa inay isugu tageyn gacan hayayaashii iyo la taliyayaashii ugu sameynta badnaa ee Madaxweyne Farmaajo iyagoo ka cararay buuqa iyo xil doonista ay wadaan siyaasiyiin badan oo mashquuliyey xarunta madaxtooyada iyo xafiiska Ra’isulwasaaraha.

Xogta ay heshay shabakadda Caasimada Online ayaa sheegeyso inay halkaas ku sugan yihiin Fahad Yaasiin oo la aaminsan yahay inuu yahay shaqsiga ka dambeeyey doorashada Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Tabit Cabdi Maxamed oo isna ah shaqsi saameyn ku leh madaxweynaha.

Sidoo kale waxaa dhawaan la filayaa inay Nairobi gaaraan Cabdishakuur Cali Mire iyo xubno kale oo aad ugu dhaw dhaw madaxweynaha si ay uga qeyb qaataan dhismaha wasiirada cusub iyo shaqsiyaadka ku haboon shaqadaas waxaana la filayaa kuwa iyaga kamid ah inay noqon doonaan wasiro.

Ujeedka ugu weyne oo ay halkaas u tageyn ayaa ah inay si degan usoo qoraan liiska shaqsiyaadka la doonayo inay kamid ah noqdaan wasiirada cusub waxaana yaraatay codsiyadii la geynayey Xafiiska Ra’isulwasaaraha oo lagu raadinayey wasiir maadaama ay halkaas faarujiyeen shaqsiyadii laf dhabarka u ahaa madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha.

Shaqsiyaadka ugu saameynta badan ee halkaas ku sugan waa Fahad Yaasiin Daahir iyo Thaabit Cabdi Maxamed oo la sheegay inay yihiin kuwa aadka ugu dhaw madaxwyenaha Soomaaliya Farmaajo waxaana la filayaa inay dhawaan Muqdisho keenaan liiska wasiirada ay soo qoreyn markaasna waxaa dib u eegis ku sameyn doono madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com