Xog: Farmaajo oo xilalka ka qaadaya dhowr taliye oo ka tirsan DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa kulamo is xigxiga la qaadanaaya Taliyayaasha Ciidamada Qaranka kadib markii dhaliil laga muujiyay Amniga magaalada Muqdisho.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu waddo qorsho xil ka qaadis loogu sameynaayo qaar kamid ah Taliyayaasha isagoo magacaabi doona Taliyayaal cusub oo sii wadi doona howlaha amniga.

Taliyayaasha qaar ayaa xilkooda ku weyn doona qancinta Beelaha Soomaaliyeed oo iyagu doonaayo in la qanciyo, waxaana lagu wadaa in ku dhawaaqida Golaha Wasiirada ka hor ama kadib uu Madaxweynaha ku dhawaaqi doono isbedelka iyo Xil ka qaadista Taliyayayaasha.

Beelaha Hawiye qaarkood ee ku gacanseeray xilka Ra’isul wasaaraha ayaa leysugu dari doono Wasir iyo Taliye Ciidan, waxa uuna qorshahaani ka danbeeyay kadib markii beelo dhowr ah ay qabsadeen Wasaarado iyo Taliyayaal ciidan.

Madaxweynaha Somalia oo laba maalin ka hor kulan guud la qaatay Taliyayaasha ayaa sheegay inuu doonaayo in Taliyayaasha qaar ee ku hingoobay wax ka bedelka Amniga ay is casilaan ama ay wax muuqda ka qabtaan amniga, waxa uuna go’aankaasi hordhac u ahaa qorshaha xil ka qaadista ah ee uu damacsan yahay Madaxweynaha.

Taliyayaasha uu xilkooda ku jiro qalqiilka ayaa waxaa kamid ah Taliyaha Booliska iyo Nabadsugida, oo iyagu lagula xisaabtamaayo dhacdooyinka amni darro ee ka dhaca magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo, ayaa dhowr jeer ku celceliyay in kaalinta Koowaad uu siin doono Amniga dalka, gaar ahaan kan Magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, waxaan la xaqiijin karin wakhtiga uu Madaxweynaha ku dhaqaaqi doono xil ka qaadista Taliyayaasha, balse waxaa la xaqiijiyay in xil ka qaadista ugu horeyso ay noqon doonto mid lagu afbilaabi doono Taliyayaasha Ciidamada Qaranka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com