Kheyre oo ka hadlay qaabka loo qeybin doono Gargaarka abaaraha

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada cusub Xasan Kheyre ayaa ka hadlay gargaarka la filaayo in maalmaha soo socda la gaarsiiyo Gobolada dalka.

Kheyre ayaa sheegay in DFS ay gargaarka gaarsiin doonto dhammaan goobaha ay ka jiraan abaaraha waxa uuna tilmaamay in loo qeybin doono si siman.

Kheyre waxa uu cadeeyay in Guddiga loo xil saaray abaaraha ay yihiin kuwo lagu kalsooni qabo, waxa uuna cadeeyay inay kalsooni ku qabaan in deeqda ay bixineyso Dowlada la gaarsiiyo goobaha loogu tallo galay.

”Gargaarka waxa uu gaari doonaa goob waliba oo ay ka jirto abaarta, waxaan u qeybin doonaa si siman, ma dhici doonto in deegaano gaara loo badiyo ama loo yareeyo”

”Shacabka Soomaaliyeed yeysan ilaawin kaalintooda waxaan ku baaqeynaa in dhankooda ay ka gurmadaan si loo soo afjaro musiibada taagan”

Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu sheegay in gargaarka la gaarsiin doono Gobolada dalka uu ka duwanaan doono kuwii hore waxa uuna cadeeyay in tan fiican la gaarsiin doono goobahaasi.

Dhinaca kale, Ra’isul wasaare Kheyre ayaa ku baaqay in Gobolada ay ku wajahan yihiin gargaarka laga soo dhaweeyo dhinacyada gargaarka gaarsiin doona.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com