Muxuu Xasan ka yiri Khilaafyada daashada dowladihii ka horeeyay Farmaajo?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay Khilaafyada daashaday dhowrkii sano ee lasoo dhaafay Madaxda Qaranka.

Xasan Sheekh, ayaa sheegay inay nasiib darro tahay in dadka shacabka ay ku sheekeystaan Khilaaf ama muran ka dhex curta Madaxda Qaranka, waxa uuna ku baaqay in laga fogaado waxyaabaha dhibta u keenikara Qaranka.

Xasan Sheekh waxa uu sheegay in Madaxda cusub uu uga digaayo inay ku sifooban Khilaafyadii ay ku sifooben Dowladihii ka horeeyay waxa uuna ku baaqay in Somalia laga daba geeyo dalalka horumaray.

”Waxaan ku baaqayaa in Madaxda dowlada cusub ee heysta fursadaha inay ka faa’iideystaan fursadooda, waxaa ugu daran ee mudan in laga fogaado waa Khilaafka waayo waxa uu hoos u dhigayaa horu socodka Somalia”

Xasan Sheekh waxa uu sheegay in madaxda dowlada cusub looga baahan yahay inay la shaqeeyaan Xildhibaanada labada Aqal, waxa uuna cod dheer ku sheegay in Dowladaani ay ka nasiib badan tahay kuwii hore maadaama ay heysato fursado badan.

Dhinaca kale, Xasan Sheekh ayaa shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan Dowlada waxa uuna ku taliyay meesha laga saaro khilaafka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com