Muxuu Kheyre ka damacsan yahay haweenka Soomaaliyeed ee kursi doonka ah

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa dhexda kaga jira xulista xubnaha kamid noqon doona Golaha Wasiirada Xukuumada cusub.

Ra’isul wasaaraha ayaa fursad u heysta in Golihiisa uu kusoo dhiso muddo 15 Cisho waxaana lasoo warinayaa in Xukuumada cusub ay kaalin weyn ku yeelan doonaan Haweenka, isagoo sheegay inuu ka dhabeynaayo Isbedelka ay ku imaaden.

Kheyre waxa uu sidoo kale, sheegay inay ka go’an tahay inuu dib usoo celiyo xuquuqda Haweenka waxa uuna carab dhabay in Xukuumadiisu ay kaalin ku yeelan doonaan Haweenka Soomaaliyeed.

Kheyre ayaa la sheegayaa in Wasaaradaha qaar uu siin doono Haween kuraastaasi ku qaadan doona qaab beel ahaan, waxa uuna go’aankaani dareen gaara galin doonaa Shaqsiyaadka raga ah ee u sharaxan xilalka Wasaaradaha.

Haweenka loo badinaayo inay kamid noqon doonto Golaha Wasiirada cusub ayaa waxaa kamid ah Drs. Maryan Qaasim oo horay ula soo shaqeysay Xukuumadii hore ee uu Hogaaminaayay Maxamed C/llahi Farmaajo.

Dhinaca kale, Xubnaha u taagan kamid noqoshada Golaha Cusub ee arjigooda gudbiyay ayaa la sheegay inay u badan yihiin Haween kuwaa oo u diyaar garoobaayo kamid noqoshada Golaha.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com