Waa maxay ujeedka shirka uu maanta Saciid Deni ka furay Garoowe? + Sawirro

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta furay shirweynaha sanadlaha ah ee Arrimaha diinta ee Puntland.

Shirweynahan oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Cadaaladda, Dastuurka, Arrimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta Puntland, ayaa waxaa ka qeyb-galay culimaa’udiinka iyo hay’addaha kala duwan ee dowladda ee ku shaqo leh arrimaha diinta, cadaaladda, garsoorka, amniga, caafimaadka iyo haweenka.

Madaxweynaha Saciid Deni ayaa boggaadiyey qodobada ugu weyn ee looga hadlayo inta kulanka socdo, kuwaasi oo kala ah nabad-gelyada, xoojinta doorka haweenka ee arrimaha diinta iyo maamul wanaag ku saleysan diinteenna suubban.

Sidoo kale waxa uu ku baraarujiyey wasaaradda iyo culimaa’udiinka in la joogteeyo kulamada noocan oo kale ah.

Culimaa’udiinka munaasabadda ka hadlay ayaa dhankooda waxay ku tilmaameen kulamada noocan oo kale ah kuwo baahi weyn loo qabay, laguna horumarin karo wacyi-gelinta bulshada.

Waxay Madaxweynaha uga mahad-celiyeen wada-shaqeynta joogtada ah iyo ahmiyada uu siinayo doorka culimada.

Shirweynahan ayaa ah mid sanadle ah, waxaana sanadkaan diirada lagu saarayaa nabad-gelyada, xilli ay xiisad siyaasadeed ka taagan magaalada Garoowe iyo maamul wanaag ku saleysan diinteenna suubban.