Daawo: Xasan Sheekh oo war culus ka soo saaray arrinta…

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay fatahaada ku dhufatay magaalooyin badan oo ka tirsan koonfurta dalka, isagoo faahfaahiyey khasaaraha ka dhashay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in 101 qof ay ku dhinteen fatahaadaha ku dhuftay dalka, waxaa barakacay dad ka badan hal milyan iyo bar, halka ay geysteen khasaare hanti oo aad u baaxad weyn.

Xoolo nooc walba leh oo gaaraya 4,000 oo neef ayuu sheegay Madaxweynuhu inay ku dhinteen daadadka ku dhuftay gobollada dalka.

“Soomaaliya maanta waxay ku jirtaa xaalad gaar ah, dadkaan 16 sano ayey argagixiso ku fadhisay oo u diiday inay nolol sameystaan, waxay dadkeena ku qasbeen inay gacmaha hoorsadaan iyagoo wax tacba kara, hadana waxay ka hor istaageen hey’adihii caawi lahaa,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Wuxuu madaxweynuhu intaas ku sii daray in abaaro baahsan oo laga cabsi qabay inay macaluul u dilaacdo ay Soomaaliya ka jirtay sanadkii hore, halka sanadkaan ay dardareen daadad ka dhashay roobka da’aya iyo fatahaadda wabiyada.

140,000 oo guri ayuu sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh inay ku burbureen fatahaada dalkeena ku dhuftay, halka ay go’een buundooyin waaweyn oo Baardheere iyo Buurdhuubo oo gobolka Gedo ku yaalla uu ka xusay.

Ugu dambeyntii madaxweynaha ayaa dadka Soomaaliyeed ee wax heysta ka codsaday inay u gurmaadaan walaalaha ay saameeyeen fatahaadaha ku dhuftay qeyb badan oo dalka ka mid ah oo ay ugu daran yihiin Beledweyne, iyo inta badan magaalooyinka gobolka Gedo.

Hoos ka daawo