Jowhar (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay kulan ay galabta Magaalada Jowhar ku yeesheen Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Hirshabelle, ayaa waxay kalsoonidii ugala noqdeen Hogaamiyaha maamulka Cali C/laahi Cosoble.
Kulamo lagu dajinaayo talaabooyinka horyaal baarlamaanka ayaa waxa uu Caawa ka socdaa magaalada Jowhar kaa oo u dhexeeya Xildhibaanada maamulka.
Xildhibaanada Caawa shirsan ayaa dajinaaya qorshooyinka ay uga hortagi lahaayen sii shaqeynta Hogaamiyihii maamulka ee maanta waayay kalsoonida.
Xildhibaanada ugu badan ayaa weli ku goodinaaya inay xilka ka qaadi doonaan Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka haddii ay dhacdo inuu lasii shaqeeyo Hogaamiyihii xilka waayay.
Xildhibaanada ayaa sidoo kale isla eegaaya talaabada xigta xil ka qaadista Hogaamiyaha, waxa ayna durba bilaabeen inay dhiiri galiyaan hantiilayaal doonaaya inay qabtaan booska Cosobla.
Shalay, ayay ahayd markii in ka badan 10 Wasiir ay Magaalada Jowhar kaga dhawaaqeen in ay iska casileen xilalkii ay ka hayeen Maamulka Hirshabelle.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Cosoble iyo ku-xigeenkiisa, oo ku aadan mooshinka kalsooni kala noqoshada ee ay galabta meel mariyeen Xildhibaanada Hirshabelle.
Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
[email protected]