Muran ka taagan wiil u xiran NISA iyo xildhibaan Mahad Salaad oo qoraal kulul soo dhigay Facebook

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa si aad ah u cambaareeyey xarig ay hay’adda nabad-sugidda qaranka kula kacday muwaadin Soomaaliyeed, sida uu ku sheegay bartisia Facebook.

Qoraalka uu Mahad Salaad soo dhigay Facebook ayaa u qornaa sidan:-

“Sida ku cad Qodobka 18aad ee Dastuurka qof kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu soo bandhiga ra’yigiisa xog ama afkaar si kastaba. Sida xorriyadda hadalka, saxaafadda iyo wax walba oo soo gelaya warbaahinta elektaroonikada iyo internet-ka ah.

Sidoo kale sida ku cad Qodobka 127aad ee Dastuurka Ciidammada Amniga waa inay dhowraan Dastuurka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Talinta Sharciga, xuquuqda asaasiga ah iyo dhexdhexaadnimo xag siyaasadeed.

Waxaa nasiib daro ah hay’adiihii mas’uulka ka ahaa fulinta sharciga iyo dhowriska xuquuqda muwaadinka Soomaaliyeed IN LOO ISTICMAALO DANO SIYAASADEED, shaqana looga dhigo hebal muxuu ku qoray Facebook giisa ama Twitter kiisa!

Haddaba, waxaan codsanaynaa in Mudane Xarbi Jubad xorriyadiisa dib loogu soo celiyo. Hantida Umadda Soomaaliyeedna aan lagu dhibaateyn Shacabka Soomaaliyeed”