25.1 C
Mogadishu
Friday, July 4, 2025

Sawirro: Gaadiid laga leeyahay Ethiopia oo ku xaniban dekadda Berbera + Sababta

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya dekadda Berbera ee maamulka Somaliland ayaa sheegaya in halkaa ay ku xaniban yihiin Gaadiidka waaweyn ee xamuulka qaada.

Gaadiidka ku xaniban dekadda oo gaaraya ilaa 200 oo gaadiid ayaa laga leeyahay dalka Ethiopia, waxa uuna qorshuhu ahaa in dekadda ay ka qaadan deeq raashiin.

Gaadiidka oo muddo ku dhow 20 cisho ku xaniban dekadda ayaa waxaa iminka lagu amray inay dib ugu laabtan dalka Ethiopia.

Wadayaasha gaadiidka ayaa lagu wargaliyay in dekadda ay buux dhaafiyeen Maraakiib u raran shirkada DP World, taa oo loo sababeeyay inay keentay culeyska ku imaaday gaadiidleyda.

- Advertisement -

Read more

Local News