HirShabeelle oo ay hirar siyaasadeed ku furmeen! (Xaqiiq iyo Falanqeyn)

Jowhar (Caasimadda Online) – Xildhibaannada Hirshabeelle ayaa cod gacan taag ah u qaaday xil ka qaadista Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdillaahi Cosoble.

Ku simaha guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka, marwo Canab Axmad Ciise, ayaa ku dhawaaqday, in 68 xildhibaan ay u codeeyeen in xilka laga qaadao Cali Cosoble, sidaana xilka looga qaaday.

Cosoble ma ahan MW maamul goboleed, ee xilka laga qaaday, kii ugu horreeyey, oo waxaa uga horreeyey Cabdikariin Guuleedkii, ee Galmudug.

Mid kale, Cosoble, madax kale ayaa raaci doonta maalmaha soo socda, ee dhexda ha la dhuuqsado.

Bal mid aan is weydiinno: haddii mooshinkan laga keeni lahaa, MWDF ama RXF xaal sidee noqon lahaa?.

Waxaan hubaa, in olyada iyo biyaha la is ku dari lahaa! BAROOR! Dawladnimadii ayaa qatar ku jirta ayey af labadi yeeri lahaayeen. Haddi waa rag kuraastooda iyo ilaashanaya kaabbayashooda!

Ogaada, in mooshin la keenaa xukuumadda wax xaq dastuuri ah, dan walba iyada oo laga yeelan karo!

Dhismihii maamulka Hirshabeelle, ayaan dhawr mar ka hadlay, oo aragtideyda aan ka dhiibtay, mise, waxaan ku mutay unfriend iyo block sabab la’aan!

Bal maantana haddaan ka hadlay, mooshinka iyo xil ka qaadista Cosoble, maxaan mudan doonaa? Moogi!

Hadda maalmahan ka hadalka maamulka dawladdan cusub, ayaan block ku mutaye, lacalla haddii mooshin laga keeno, ee aan ka hadlo iyana maxaan ku mudan doonaa? Moogi!

Weydiin; ma laga yaabaa, in Koofur Galbeed iyo Jubbaland ay marto waddadii Galmudug iyo Hirshabeelle, oo mooshin rasmi xilka looga qaado Shariif Xasan iyo Axmad Madoobe?.

Busaaradda ha laga baxo maalmahan, kolleey, berri, berrin, barasho iyo beelo la ma fiirine, oo beeso keliya ayaa la beegsadee!

Hirshabeelle waji caynkee ah ayey yeelan kartaa? Hubaal, in beesha hadda silks MW haysa, uusan soo dhaafidoonin, ee yaa badalidoono Cosoble?.

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid