25.7 C
Mogadishu
Saturday, June 21, 2025

Waa sidee rajada Gaas kadib go’aankii baarlamanka Puntland ku rideen golihiisa wasiirada?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) –Baarlamaanka Puntland ayaa codka kalsoonida kala laabtay Golaha Wasiirada Madaxweyne C/wali Gaas, kaddib markii ay mooshin ka keeneen.

Kulan Xildhibaanada Baarlamaanka ay ku yeesheen xaruntooda Garowe ayaa ku soo dhamaaday in codkii kalsoonida lagala noqday Xukuumadda Gaas.

47 Xildhibaan ayaa ogolaatay, halka 9 Xildhibaan ka aamustay, hal Xildhibaan uu diiday, iyadoo Guddoonka Baarlamaanka uu ku dhawaaqay natiijada inay tahay mid sax ah.

Haddaba xogta ay heleyso Caasimadda Online ayaa muujineyso in Xaaladda Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas ay tahay mid halis ku jirto isla markaasna ay qaar ka tirsan Xildhibaanada Puntland qorsheenayaan inay xilka ka tuuraan.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas ayaa isku dayey inuu Xildhibaanada ka dhaadhacsiiyo inay joojiyaan mooshinka lagu riday wasiirada, balse dadaalkaas wuu ku fashilmay, waxayna xildhibaada intooda badan qorsheenayaan inay dhawaan xilka ka tuuraan Madaxweyne Gaas.

Sida xogta sheegeyso Xildhibaanada Puntland intooda badan ayaa wax xushmad iyo qadarin ah ka waayey madaxweyne Gaas, midaasna waxay keentay inay xildhibaanada qaab koox kooxeysi ah isku kaashadaan isla markaasna laga shaqeeyo sidii xilka looga tuuri lahaa Madaxweyne Gaas.

Inkastoo Gaas uu ku dhawaaqay inuu natiijadaas aqbalay isla markaasna uu soo dhisi doono Wasiirada cusub, haddana ififaalada muuqdo waxay caddeynayaan inuusan Gaas sii ahaan doonin Madaxweynaha Puntland Maalmaha soo socdo, maadaama uusan heysan aqbaliyadda Xidhibaanada Puntland.

C/wali Gaas ayaa sheegay in go’aanka Baarlamaanka uu qaatay uu yahay mid dastuuri ah, waxaa uu tilmaamay mudada uu u siinayo Dastuurka uu ku soo dhisi doono Gole Wasiiro, isagoo la tashan doono Madaxweyne kuxigeenka.

“Waxaa maanta oo Talaado ah, taariikhdu tahay 18 July 2017, Baarlamaanka Puntland xasaanada kala noqday Golaha Xukuumadda dowladda Puntland, waa arrin dastuuri ah oo waajibaadkooda shaqo ka mid ah, taas waxay i fareysa Madaxweyne ahaan in aan Golaha Xukuumadda ku soo dhiso mudada oo ii ogol yahay Dastuurka”ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News