Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa wali taagan Colaada u dhexeysa Ciidamada Maamulka Puntland iyo Maleeshiyaadka duulaanka ku qaaday Deegaanada dhaca Xeebaha Puntland, waxaana wali is horfadhiya labada ciidan.
Waxaa Saaka deegaanka Suuj ee gobolka Nugaal laga maqlayaa rasaas goos-goos ah oo ay is weydaarsanayaan labada dhinac ee is horfadhiya, waxaana suuragal ah Dagaalka uu maanta galo maalintii afaraad.
Dagaalkii ugu danbeeyay ayaa waxaa jab xoogan lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka duulaanka qaaday, iyagoo laga dilay Dagaalyahaano aad u farabadan oo ka dagaalamaayay afafka hore ee jiida uu Dagaalka ka socdo.
Khasaaraha ugu badan ee maleeshiyada soo gaaray ayaa ah dhaawaca oo kor usii dhaawafa 48 kuwaasi oo ilaa iyo iminka ay u la’yihiin dawo ay ku dabiibaan.
Taliye ku xigeenkii hore ee Booliiska Puntland Jeneraal Muxiyadiin Axmed Aw-Muuse oo ka mid ah Saraakiisha hogaaminaysa dagaalka Suuj, ayaa sheegay in dhimashada maleeshiyada ay ka badantahay kuwa dhaawaca ah, waxa uuna sheegay in dhaawacooda ay u la ‘ yihiin dawo.
Jeneraal Muxiyadiin Axmed Aw-Muuse, waxa uu carab dhabay in Dagaalka aysan ka caajisi doonin Puntland, inta uu noolyahay dagaalyahan ka tirsan maleeshiyada.
Si kastaba ha ahaatee, rasaasta goos-gooska ah ee iminka la maqlaayo ayaa waxaa badi ridaaya maleeshiyaadka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]