Muqdisho (Caasimada Online) – Inkastoo bilihii danbe uu sii liidanaayay xiriirka Puntland kala dhexeeya DFS, ayaa waxaa hadana muuqaneysa in Dagaalka Puntland ay kula jirto xagjiriinta Somalia uu dib usoo celinaayo xiriirka Dowlada kala dhexeeya maamulka Puntland.
Dadka ka faalooda Siyaasada dalka ayaa qaba in Dagaalka iminka Puntland ay ku jirto uu albaabada u furay xiriirka kala dhexeeya Dowlada, kadib jawaabaha ay Dowlada ka bixisay Codsiga Puntland.
C/risaaq Nuur Macalin oo ku sugan magaalada Muqdisho kuna taqasusaq Siyaasada ayaa sheegay in dagaalka socda uu waxbadan ka bedeli karo Siyaasada Dowlada kala dhexeysa Puntland, waxa uuna sheegay inuu aaminsan yahay in Puntland ay garwaaqsan doonto in meesha ay ka baxday is ceyrsiga Siyaasada.
C/risaaq waxa uu tilmaamay in Dowlada Somalia ay wakhti munaasab ah gurmad la gaartay Puntland, taasi oo uu ula jeedo in Puntland ay iminka garaneyso in Dowlada aysan qabin cilad ku aadan Khilaaf ama is burbursi kala dhexeeya maamulka.
”Shaqsi ahaan waxaan qabaa in Dagaalkaani uu sababi doono is walaaleysi iyo in labada dhinac ay garan doonaan in cadow uu ka dhex shaqeynaayo balse ay isku baahan yihiin”
”Sida igu maqaal ah ma jiro cid Dowlada ku qasabtay in Hub ay u daabusho Puntland si cadowga looga adkaado, waxaan Dowlada ugu hambalyeynayaa jawaabta ay ka bixisay codsiga maamulka Puntland oo waajibka ah”.
Mukhtaar Xassan oo isna kamid ah dadka sida aadka ah kaga faalooda arrimaha Siyaasada ayaa isna qaba in dagaalka ay ku jirto Puntland uu sabab u noqon doono dib usoo noolaanshaha xiriirka Dowlada iyo Puntland.
Mukhtaar ayaa sheegay in Soomaalidu ay walaal tahay islamarkaana ay is jecelyihiin balse ay kala geynayaan Dowladaha dariska la ah Somalia ee mar waliba kasoo horjeeda Qaranimada Somalia.
Si kastaba ha ahaatee gurmadka ay Dowlada Somalia gaarsiisay maamulka Puntland, ayaa niyad jab ku noqon doona Dowladaha Ethiopia iyo Kenya oo ku taamaaya in Soomaalida lasii kala fogeeyo misna ay burburto Qaranimada soo bidhaameysa.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

