Waa tuma magaalada laga waardiyeeyo Muqdisho ee laga qabsaday Al-Shabab?

Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Magaalada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa maalmo kahor soo gashay gacanta dowladda, kadib markii ay la wareegeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka ee Macawiisleyda oo is kaashanaya, kuwaas ka bixiyay xoogaga Al-Shabaab oo in ka badan 15 sano maamulayay.

Prof. Xasan Sheekh Cali oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed, isla-markaana ku dhashay magaaladaan ayaa marka hore ka sheekeeyay taariikhda degmada Aadan Yabaal, kadib markii uu shalay booqasho ku tegay, isaga oo kamid ahaa wafiga  ra’iisul wasaaraha.

Waxa uu sheegay in magaaladu ay ka dhacday muusiibo weyn, isla-markaana intii ay Al-Shabaab heysteen ay ku burbureen dhammaan adeegyadii aas aasiga ahaa ee nolosha.

“Musiibada ka dhacday magaaladan waxaad ka garan kartaa haddii iskuulkii aan ka bilaabay fasalka koowaad uu xiran yahay, dugsi Qu’aankii aan Alifka ka bilaabay xiran yahay, isbitaalkii laygu umuliyay, haddii lagu kala tegay waad garan kartaa,” ayii yiri.

Xasan Sheekh Cali ayaa sidoo kale sheegay in Aadan Yabaal ay tahay magaallo istiraatiiji ah, isla-markaana badda iyo webiga u jirto min 90 KM oo ah dhul weynaha Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in magaaladaan laga waardiyeeyo Muqdisho, ayna tahay halka lagala socon karo waxa ku soo jeedo caasimada Soomaaliya.

‘Magaaladaan waa magaalada laga waardiyeeyo caasimada Soomaaliya ee Muqdisho haddii ay halkan nabad tahay caasimadana waa nabad, hadeynan halkan nabad aheyn caasimada Soomaaliya Muqdisho nabad ma’aha, taas waa in la ogaado istaraatiijig waayey” ayuu yiri.

Waxa kale oo uu ku taliyay in Aadan Yabaal la dhigo difaaca Soomaaliya, si looga ilaaliyo magaalada Muqdisho oo ay ku taallo madaxtooyada qaranka.

“Waxa kasoo baxa dhulkan ee kusii jeeda Muqdisho halkan ayaa lagu fiiltareeyaa ama lagu sii daayey amaba lagu sii gudbiyaa halkan haddii difaaca Soomaaliya uu yaallo madaxtooyada Soomaaliya waa nabad-geleysaa” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Prof. Xasan.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dowladda federaalka Soomaaliya iyo HirShabelle ay qorsheynayaan in dib boorka looga jafo Aadan Yabaal oo sanado kadib laga saaray kooxda Al-Shabaab, si dib loogu soo celiyo adeegyadii muhiimka ahaa ee ka jiray magaaladaasi.