Waaga cusub ee horumarinta batroolka SOOMAALIYA

Ugu horreyntii wasaaradda Batroolka iyo Macdanta JFS oo kaashaneysa guddiyada wada xaajoodka ee dawlad goboleedyada waxay ku guuleysatay in magaalada Baydhabo lagu gaaro heshiiskii taariikhiga ahaa oo ay Soomaali oo dhan wada sugeysay oo ku saabsanaa in heshiis laga gaaray lahaanshaha, maamulka & wadaagga kheyraatka dabiiciga (batrool & macdan), bishii June 5teeda sannadkii hore ee 2018ka.

Heshiiskan waxa wada saxiixay dhinaca xukuumadda Ra’isul Wasaaraha JFS, dhinaca kale na madaxweynayaasha dawlad goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, waxaana goob joog ka ahaa Madaxweynaha JFS.

Gudbintii iyo ansaxintii sharciga dib u eegista bataroolka ee barlamaanka waxa ay ahayd tallaabo taariikhi ah oo saldhig u noqoneysa horumarinta kheyraatka dalkeenna, taasoo doodo iyo wada tashiyo dheer kadib uu golaha shacabka ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya oo na ansixiyey 20kii bishii May ee sannadkan 2019-ka.

Sida ku cad sharciga dib u eegista Batroolka wuxuu tixgelinayaa dhammaan heshiisyadii ay dawladdii Soomaaliya la gashay shirkadihii caalamiga ahaa ee shidaalka intii ka horreysay sannadkii 1990kii iyo kadib unkiddii dawladda Federaalka ee Soomaaliya sannadkii 2012, iyadoo shirkadahaas ay diyaar u noqonayaan in ay bixiyaan wixii lagula heshiiyey oo kiradii dhulka ee ku aruurtay iyo in heshiiyadii hore lala galay oo ahaa nooca loo yaqaanno CONCESSION loo beddelayo heshiiska cusub oo uu sharcigan qeexayo oo ah heshiiska wax-soo saar wadaagga (production sharing agreement).

Iayadoo taas laga duulayo, Wasaaradda Batroolka & Macdanta JFS waxay xiriir la sameysay shirkadihii heshiisyada shidaal qodis hore u haystay, si ay usoo caddeeyaan inay diyaar u yihiin inay Soomaaliya kula shaqeeyaan nidaamkan cusub iyo inay fasaxayaan heshiisyadoodii (Relinquishment). Shirkadihii muujiyey inay dib u daneynayaan inay Soomaaliya maalgeshtaan waxa ka mid ahaa isu-tagga labada shirkadood ee SHELL & EXXON MOBIL.

Wada hadallo muddo dheer socday kadib waxay wasaaradda iyo shirkadahaas isu tagay ee shell & exxon mobil ku gaareen is afgarad ka dhacay magaalada Amesterdam ee dalka Holland bishii June ee sannadkan 2019ka, kaasoo ay shirkadahaasi ku oggolaadeen inay bixiyaan kiradii dhulka ee ku aruurtay tan iyo 1990kii iyo inay dhowaan wasaaradda usoo bandhigayaan qorshahooda (Roadmap) ay Soomaaliya dib ugu soo noqonayaan si ay u maalgeshtaan xermooyinkii (Blocks) ay horay u lahaayeen iyadoo sharcigan cusub ee Batroolka lagu saleyn doono.

Tallaabooyinka kale ee muhiimaddooda leh oo ay Wasaaradda xoogga saartay waxa ka mid ahaa inay indhaha caalamka iyo maalgashadayaashaba kusoo jeediso sidii loo maalgashan lahaa kheyraadka dabiiciga ah ee shidaal iyo gaas ee Soomaaliya. Iyadoo taas laga duulayo ayaa hawl wadeennada wasaaradda oo uu ugu horreeyo Wasiirka Wasaaradda ay shirarka caalamiga ee shidaalka ay mar kasta kusoo jeediyaan indhaha maalgashadayaasha caalamka.

Shirarkii ugu waaweynaa oo ay wasaaraddu abaabusho ilaa hadda waxa ugu muhiimsanaa kii aan ku qabannay magaalada London 7dii bishii February ee sannadkaan 2019ka. Shirkan waxay wasaaradda iyo shirkadda SPECTRUM oo mas’uul ka ah keydinta iyo iib geynta macluumaatka (DATA) laga aruuriyey qayb ka mid ah badda Soomaaliya, ku soo bandhigeen macluumaatkaas iyo sida ay Soomaaliya diyaar ugu tahay in la maalgeshto kheyraatkeeda. Waxa lasoo bandhigay 15 xirmood (blocks) oo ku fadhiya dhul baaxaddiisu tahay 75,000 Square Kilometer, oo sidii khubaradii soo bandhigtay ay sheegeen in kheyraatka dhex ceegaaga lagu qiyaasayo 30bilyan oo barmiil oo batrool ah.

Shirkan wuxuu noqday mid indhaha caalamka kusoo jeediyey iyo muhiimadda ay leedahay in la maalgashto Soomaaliya. Waxa kaloo loo ballamay in la qabto shirar kale oo la mid ah kii London, iyadoo sida qorshaha yahay la qaban doono sannadkan laba shir kale oo mid lagu qaban doono magaalada Houston ee dalka Mareykanka iyo magaalada Cape Town ee waddanka Koonfur Afrika.

Dadaalladaas ay waddo wasaaradda, oo aan rajeyneyno in Soomaaliya ay maalgeshtaan shirkado caalami ah, waxay wax weyn ka tari doonaan kobaca dhaqaalaha dalkeenna, dib usoo celintii kaabayaasha dhaqaalaha, shaqo abuurka dhallinyarada oo ay kooxaha nabaddiidka uga faa’ideystaan inay xasilloonada dalka kula dagaallamaan iyo ka hortagga saboolnimada ay sababtay dagaalladii sokeeye iyo abbarihii is daba joogga ahaa oo uu dalka soo maray.

W/Q: Mudane Adirashid Ahmed Mohamed
Wasiirka Bataroolka iyo Macdanta ee Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaliyeed

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid