Xog: DF Soomaaliya oo soo xero gelisay saxiixayaasha beesha reer Xaaji Saleebaan

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Caasiamda Online, ayaa ogaatay in magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ay gaareen saxiixiyaasha heer federaal iyo heer dowlad gobaleed ee matala beesha reer Xaaji Saleebaan ee degta magaalada Cadaado ee gobalka Galgaduud.

Imaam Cumar Macalim Abshir, Nabadoon Bashiir Ereg iyo Nabadoon Jabuuti, oo ku jira liiska odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed ee ka diiwaangashan wasaaradda arimaha gudaha Soomaaliya iyo Galmudug ayaa ka baxay magaalada Muqdisho waxaana la geeyay Dhuusamareeb.

Odayaashaan ayaa ah kuwa ugu sarreeya ee leh saxiixa beesha reer Xaaji Saleebaan oo diidan ka qaybgalka shirka dib u hehsiisiinta Galmudug waxaana muuqata in ay ku gacan seereen dhaqanka Cadaado.

Sidoo kale saddexdaan oday dhaqameed ayaa ah kuwii sanadkii hore ee soo xulay xildhibaanada Galmudug ee heer federaal iyo dowlad gobeleed (Galmudug), waxaana la sheegay in ay haddaba ku mashquulsan yihiin xulista xildhibaanada cusub ee Galmudug oo ay socoto diyaarintooda.

Wasiiru-dowlaha wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska Soomaaliya mudane Qoor Qoor ayaa la sheegay in uu ka shaqeeyay sidii ay odayaashaan u tagi lahaayeen shirka Dhuusamareeb ka furmaya iyadoo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in la fuliyay sharuudo ay ku xireen tagitaanka Dhuusamareeb.

Maalmo ka hor odayaal ka hadlay magaalada Cadaado ayaa sheegay in aysan ka qaybgalin kana qaybgali doonin shirka dib u heshiinta Galmudug ee lagu wado in uu ka qabsoomo Dhuusmareeb ilaa ay dowladda Soomaaliya xaliso tabashadooda.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusomareeb
caasimada@live.com