Waare oo lala laabtay liiska wasiirada iyo khilaaf xoogan oo taagan

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa mar kale dib u dhac ku imaaday dhismaha Golaha Wasiirada maamul Goboleedka HirShabelle oo dhawaan la sheegay in lagu heshiiyay qaabka loo kala qaadanaayo Kuraasta.

Dib u dhaca dhismaha Golaha Wasiirada ayaa la sheegay inay sababtay kadib markii Beelaha qaar ay dib uga laabteen Kuraas horay loogu qanciyay.

Hogaamiyaha maamulka Maxamed Cabdi Waare oo ku howlan xal u raadida beelaha diidan Kuraasta ayaa wada kulamo joogta ah oo lagu qancinaayo beelaha.

Waare ayaa kulamada ugu badan la leh Xildhibaanada iyo Oday dhaqameedyada beelaha dega Hirshabelle, waxaana la filayaa in Waare uu dib usoo dhiso tashkiilo cusub.

Waxaa sidoo kale jira Khilaaf u dhexeeya Xildhibaanada iyo Odayaasha dhaqanka, kaa oo salka ku haya shaqsiyaadka ku fadhiisan lahaa Kuraasta beelaha.

Sidoo kale, Oday dhaqameedyada ayaa doonaya inay geeyaan xubintii beesha uga mid noqon lahayd golaha wasiirada, halka xidhibaanaduna ay doonayaan inay u gudbiyaan Hogaamiyaha xubintaas.

Warar kaa ka duwan ayaa sheegaya in qaar kamid ah beelaha dega HirShabelle ay ku hanjabay inay joojinayaan la shaqeynta maamul goboleedka Hirshabeelle, haddii aysan ka helin xil sare golaha wasiirada.

Ma cadda sida uu Hogaamiye Waare ka yeeli doono is qabqabsiga Beelaha iyo Xildhibaanada ee sii dheeraaday, waxaana suuragal ah inuu qaato go’aan ka duwan kan dhinacyada is haya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com