Xog: Sheekh Shariif oo go’aan cusub ka qaatay dowladda Soomaaliya

Muqdisho (Caasimadda Online) –  Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa isaga baxay kooxda ay imaaraadka taageerto ee kasoo horjeedo dowladda Soomaaliya kadib markii uu kulamo la qaatay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa markii hore kulan qarsoodi ah la qaatay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyagoo ka wada hadlay sidii uu Sheekh Shariif u garab istaagi lahaa dowladda Soomaaliya.

Sheekh Shariif oo la sheegay inuu maalmihii dambe la kulmayey hoos u dhac dhaqaale ayaa hadda go’aansaday inuu ku garab noqdo dowladda dhexe, isagoo halkaas ka qaadan doono gunno uu adeegayo dowladda.

Sheekh Shariif uu saluugay qaabka Imaaraadka Carabta u wado ololaha looga horjeedo madaxweyne Farmaajo iyo dowladiisa kadib markii la isku qabtay cidda noqon doonta madaxweynaha Soomaaliya kadib Farmaajo.

Kulan kale oo dhex maray Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa isna la isku afgartay wada-shaqeynta labada dhinac, iyadoo siyaasi muhiim ah uu ka soo go’ay isbaheysiga Imaaraadka ee siyaasiyiinta Soomaalida, kaasoo ay hadda ku soo hareen xubno yar.

Sheekh Shariif Sh. Axmed ayaa la filayaa inuu ka howl bilaabo Magaalada Muqdisho, isagoo dowladda kala shaqeyn doono sidii loo fududeyn lahaa culeyska kaga imaanayo kooxaha Mucaaradka ku ah ee doonayo in la carqaladeeyo dowladda oo aan jirin hal sano.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com