Meydka xildhibaankii la dilay oo la diiday in la duugo iyo sababta keentay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo inay Odayaasha Beesha Duduble ee uu kasoo jeeday Marxuumkii Shalay lagu dilay Mqudisho ee Xildhibaan Maxamed Cabdi Guuleed ay diideen in la aaso.

Ninkii dilay Marxuumkaan ayaa sheegay inuu isna ula soo baxay Buskoolad isla markaasna uu naftiisa kala baqay sidaasna ay keentay inuu rasaas ku furo.

Odayaasha Beesha Duduble ayaa sheegay inaan la aasi doonin inta uu ninkii dilay ka qiranayo inuu si xaq darro ah ku dilay, aysana macquul aheyn in laga dhigo Marxuumka inuu isaga wax dili rabay.

Gacan ku dhiiglaha dilay Xildhibaankaan ayaa la sheegay inuu ku xiran yahay Xarunta Dambi baarista CID, wuxuuna ku doodayaa inuu naftiisa difaacayey maadaama uu Buskoolad ula soo baxay uuna rabay inuu rasaas ku furo.

Waxaa socdo wadahadal u dhaxeeyo laba Beelood waxaana la filayaa in daqiiqadaha soo socdo laga gaaro go’aanka isla markaasna lagu qanciyo in la aaso Marxuumka.

Falkan oo Shalay ka dhacay Muqdisho, weliba goob ay ciidamada dowladda ku sugan yihiin oo si weyn loo ilaaliyo oo ah Isgoyska Sayidka waxaa geystay ilaalada xildhibaan Maxamuud Abuukaate oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Arrintan ayaa ka dambeysay markii gaari uu watay xildhibaan xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Galmudug oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdi Guuleed, kaasoo daba socday gaariga xildhibaanka Federaalka uu dhinaca danbe si fudud ugu dhacay Gaariga Toyot Hilux ee ay dhinaca danbe ka saarnaayeen ilaalada xildhibaan Abukaate.

Askari ka tirsan ilaalada xildhibaanka ayaa sida uu ku dooday Maxamuud C/llaahi Axmed (Abuukaate) waxay ka shakiyeen Gaariga ku dhacay iyo askari ka soo degay oo bistoolad watay wuxuu rasaas ku furay gaariga yar ee raaxada, taasoo keentay in rasaastii la riday ay madaxa ka haleesho Xildhibaanka Galmudug ee Maxamed Cabdi Guuleed, iyadoo dhaawac culus uu soo gaaray, iyadoo markaas kadib loola cararay isbitaalka.

Xildhibaan Maxamed Cabdi Guuleed oo la dhigay isbitaalka Digfeer ayaa daqiiqado kadib ugu geeriyooday dhaawacii cuslaa ee soo gaartay. Ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku dhigay askarta ilaalada u ahayd xildhibaan Abukaate ee dilka geysatay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com