Laascaanood (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Dowlad-goboleedka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare, sidoo kalena haatan ah ku xigeenka xoghayaha guud ee Urur Goboleedka IGAD ayaa markii u horreysay ka hadlay dhameystirka SSC-Khaatumo.
Waare ayaa shaaciyay qorshe uu tilmaamay in Villa Soomaaliya ay ka damacsan tahay arrinta SSC, kaas oo sidoo kale saameynaya maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.
Madaxweynihii hore ee HirShabelle ayaa tilmaamay in kooxda Villa Somalia ay rabto in ay daris la noqoto Puntland, isla markaana ay isku boor qarineyso dhismaha SSC-Khaatumo.
Maxamed Cabdi Waare ayaa intaasi ku daray in Dawladda Federaalka aysan Laascaanood geynin hannaankii lagu dhameystiri lahaa SSC, balse ay dadaal ugu jirto inay daris la noqoto Puntland oo haatan uu kala dhexeeyo khilaaf culus oo sameeyay labada dhinac.
“Sidii Xasan Sheekh Deris ula noqon lahaa PUNTLAND ayaa dedaal loogu jiraa, Qolada Muqdisho ma aysan geyn Laascaanood hanaankii maamul loogu dhisi lahaa reer SSC-Khaatumo”, ayuu yiri Madaxweyne hore Maxamed Cabdi Waare.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan ay sii xoogeysatay xiisada Garoowe iyo Muqdisho oo mar kale isku qabtay dhismaha SSC, gaar ahaan sidii maamulkan loogu biirin lahaa gobolka Sanaag oo haatan hoostaga Dawlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.
Arrintan ayaa dhalisay xasaasiyad wayn iyo khilaaf culus oo ka dhashay dhismaha Dawlad-goboleedka SSC-Khaatumo, waxaana weli hakad ku jira shirweynihii loo ballansanaa oo markii labaad maanta baaqday, sababo la xiriira khilaafka ka taagan arrinta Sanaag.
Lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto doodda ay keeneen siyaasiyiinta mucaaradka oo ay horkacayaan musharrixiinta, kuwaas oo kasoo horjeestay hannaanka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku wajaheyo arrimaha SSC-Khaatumo
Si kastaba, SSC-Khaatumo oo hadda u furmay dhabo cusub ayaa isku diyaarineyso maamul dhameystiran iyada oo Dalwadda Federaalka u magacowday guddi farsamo oo howshaas guda-gala kaas oo gaaray Laascaanood oo lagu wado inuu ka furmo shirka aayo ka tashiga.