29.9 C
Mogadishu
Wednesday, October 22, 2025

Waare oo xilka ka qaaday Dabageed, u magacaabay Hiiraan gudoomiye cusub

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda HirShabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa xilka Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan u magacaabay Cali Maxamed Caraale, iyadoo xilkii uu ka qaaday Yuusuf Axmed Hagar Yuusuf Dabageed.

Lama sheegin wax sabab ah oo xilka looga qadaay Dabageed, hase yeeshee xiriirka isaga iyo Waare ayaa aad u xumaa maalmihii dhowaa, ayada oo Dabageed uu marar badan dhalleeceeyey Waare.

Dabageed oo shalay magaalada Baladweyne shir jaraaid ku qabtay ayaa sheegay in aad u dhaliilayo siyaasadda iyo wax qabadka madaxweyne Waare.

Waxa uu sidoo kale sheegay “in madaxweynu sida uu rabo uu tagri falo maamulka ay wada leeyihiin dadka  reer Hirshabelle”, waxa uuna xusay uu maxweynu ka gaabiyay wax ka qabashada gobalka Hiiraan  iyo magaalda xarunta u ah ee Baladwene.

Halkan ka daawo wararkii maanta oo muuqaal ah. 

Hoos ka arag warqadda xilka looga qaaday Dabageed, laguna magacaabay Cali Maxamed Caraale

- Advertisement -

Read more

Local News