‘Sacuudiga iyo Imaaraadka oo dagaalka Farmaajo u midaynaya Hawiye iyo Isaaq’

Hargeysa (Caasimada Online) – Wargeyska African Intelligence ayaa qoray in Imaaraadka iyo Sacuudiga ay billaabeen qorshe ay xukunka uga tuurayaan madaxweyne Farmaajo ayaga oo adeegsanaya qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed.

Sida wargeyska qoray waxaa bishii tagtay Hargeysa tagay safiirka Sacuudiga ee Kenya iyo Soomaaliya Mohammed Khayat iyo saraakiil u dhashay dalka Imaaraadka Carabta.

Xubnahaas ayaa wargeysku sheegay inay Hargeysa kula kulmeen saraakiil ka tirsan dowladda Somaliland iyo siyaasiyiin beelaha Hawiye kasoo jeeda oo halkaas qarsoodi ku tagay, kuwaas oo aan magacyadooda la shaacin.

Sida warbixinta ay sheegtay, kulankaas ayaa looga hadlay sidii la isugu gayn lahaa awoodda beelaha Hawiye iyo Isaaq ee doorashada 2021, si loo xaqiijiyo in doorashada looga adkaado Farmaajo, oo labadaba ay aad uga soo horjeedaan.

Waxaa sidoo kale la isla soo qaaday sidii loo heli lahaa siyaasi Hawiye ah oo awoodda labada beel la isugu geeyo si loo doorto.

Waxaa sidoo kale kulanka la isku raacay in Hargeysa ay noqoto halka laga maal-gelinayo ololaha oo lacagta Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga lasoo marinayo, halka magaalada Nairobi ay noqoneyso xarun labaad.

Xiriir ay Caasimada Online la sameysay maamulka Somaliland waa ay beeniyeen warbixinta wargeysla African Intelligence.

Halkan ka daawo wararkii maanta oo muuqaal ah. 

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
caasimada@live.com