Xog: Beelaha Muqdisho oo diyaariyey dagaal ay isaga dul-qaadayaan dhibka DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib baaqyo iyo qeyla dhaan ay soo saareen odayaasha iyo waxgaradka gobalka Banaadir islamarkaana ay dhagaha ka fureysatay dowladda Soomaaliya waxay hadda dhaqanku gaareen go’aankii ugu adkaa oo sababi kara dhimasho, dhaawac iyo bur bur kale oo ay sheegeen in mas’uuliyadiisa qaadan doonto dowladda Soomaaliya.

Kulan ay shalay Muqdisho ku yeesheen ayay odayaasha waxa ay sheegeen in ay sameyn doonaan maamul gaar ah oo uu yeesho gobolka Banaadir, oo lagu magacaabo Banadir State, si looga baxo dhibatooyinka ay dowladda Soomaaliya ku heyso shacabka caasimadda.

Dhaqanka ayaa sidoo kale qaarkood Caasimada Online faahfaahin ka siiyey qorshaha ay dejiyeen si ay isaga xoreeyaan dhibka ay ku hayso dowladda federaalka.

Waxay sheegeen in ay sameysteen guddiyo lagu magacaabo, guddiga Abaabulka iyo kicinta dadweynaha, guddiga tirakoobka iyo soo bandhigidda dadkii lagu dilay Muqdisho intii ay go’doonka aheyd iyo guddiga soo bandhigadda khasaaraha hantiyadeed ee ka dhashay go’doonka 60-ka cisho ay ku jirto magaalada.

Guddiga Abaabulka iyo kicinta dadweynaha waxaa loogu talagalay in ay abaabulaan banaanbaxyo waa weyn oo ka dhaca gobalka Banaadir xaafad kasta oo kamid ah. Sidoo kale guddigaan ayaa laga rabaa in ay hagaan dadweynaha islmarkaana ay soo iibiyaan agabyo loogu talagalay in banaanbaxa loo adeegsado sida makaroofano cod baahiyaal ah iyo agabyo kale.

Waxgaradka gobalka Banaadir oo ay la hadashay Caasimada Online ayaa noo xaqiijiyay in ay hubaan khasaaro nafeed oo arintaan ka dhalan kara balse ay mas’uuliyadda qofkii dhinta ay qaadan doonto dowladda islamarkaana ay kula xisaabtami doonaan.

Sidoo kale waxay noo xaqiijiyeen in banaanbaxooda uusan noqon doonin mid hanti lagu bur buriya balse uu noqon doono mid dareenka dadweynaha lagu cabiro waxayna toos u gali doonaan Villa Somalia iyadoo ay halkaas degaan ka dhigan doonaan ilaa waddooyinka laga furo.

Hadii ay arintaan dhaqan gasho waxay noqon doontaan go’aankii ugu adkaa uguna qaraaraa oo ay qaataan waxgaradka gobalka Banaadir 10-kii sano ee ugu dambeysay. Wali ma jirto cid ka war heysa go’aanka iyo fal celinta dowladda sida uu noqon doono, balse waxaa muuqata in xaaladda ay adkaan doonto hadii ay sidaan wax u dhacaan.

Halkan ka daawo wararkii maanta oo muuqaal ah. 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com