Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay xiriirka dalalka Kenya iyo Somalia oo mugdi galay waxii ka dambeeyay Sabtidi markii Kenya ay u yeeratay safiirkoodii Muqdisho u joogay.
Madaxweyne Waare ayaa sheegay in xiriirka hadda uu gaaray meeshii ugu xumeyd, iyadoo kaliya uu si fudud ku bilowday in xiriirkaasi uu xumaado, waxaana uu sheegay in Kenya ay go’aankaasi ka dambeysay.
Wuxuu sheegay in labada dowladood ay isaga xiran yihiin danooyin badan oo dhan amaan, dhaqaale iyo diblumaasiba ah, isaga oo ku baaqay in la qaboojiyo xiisadda siyaasadeed ee ka dhex taagan labada dowladood.
“Arintaasi arrimaha dibadda sida Dastuurkeena qabo dowladda Dhexe ayaa masuul inooga ah, laakiin wax walbaa oo dalkeena ka dhacaa masuuliyad ayaa naga saaran, waa muhiim ah in arrimahaan la qaboojiyo oo xaqiiqooyinka jira la is tusiyo”ayuu yiri Waare.
Wuxuu sidoo kale ka hadlay hadalkii kasoo yeeray dowladda Kenya ee ahaa in shirkii London lagu xaraashay xermooyinka shidaal ee ku jira dhul badeedka Kenya ay dooneyso inay xoog ku qaadato.
“Anaga shirkii London ergo ayaa inooga qeyb gashay, meel xaraash ka dhacayna ma jirto, waan la yaabay in xasarada meel yar ay ka bilaabatay laakiin meel fog ayay gaartay, laakiin dowladda si wanaagsan ayay kaga jawaabtay, waxaan rajeynayaa in dowladeena iyo Kenyaba ay xaalka dajiyaan oo wadahadal iyo xeerarka caalamiga ahaa lagu qaboojiyo ayaan qabaa”.
Dowladda Soomaaliya ayaa lagu amaanay sida diblu maasiyadeed ee ay kaga jawaabtay hadalkii kasoo baxay dowladda Kenya.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

