29.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Sawirro: Wabiga Shabeelle oo biyo la’aan noqday iyo dad u dhintay abaarta

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa meeshii ugu hooseysay gaaray biyaha uu waday Wabiga Shabeele ee mara qaar kamid ah gobolada dalka Soomaaliya.

Wabiga ayaa guray, waxaana la arkayaa markii labaad biyo aan badneyn oo wabiga uu wado, taasi oo xaalada kusoo xumeysay dadka ku dhaqan hareeraha wabiga oo muddo wax roob ah aanan helin.

Sawiro laga soo qaaday Wabiga ayaa muujinaya biyo la’aanta jirta, waxaana la arkayay caruur yaryar oo kubbad ku ciyaaraya halkii biyaha wabiga ay mari jireen.

Abaar daran ayaa sanadkaan ka jirta Soomaaliya, taasi oo saameyn xoogan yeelatay.

Dhinaca kale wararka aan ka heleyno gobolka Mudug ayaa sheegaya in abaarta ka jirta deegaanada Galmudug ay sababtay inay dadka u dhintaan.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa xaqiijiyay in dhowr ruux ay abaarta u dhinteen, taasi oo muujineysa in abaarta gaartay heerkii ugu darnaa.

- Advertisement -

Read more

Local News