29.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Guddoomiye Jawaari oo xal u la’ waqtiga doorashada madaxweynaha

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa bilaabay la tashiga Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia si xal waara looga gaaro Doorashada Madaxweynaha ee shakiga badan galisay Musharaxiinta.

Guddoomiye Jawaari oo siyaabo kala duwan ula kulmaaya Xildhibaanada ayaa mid mid u weydiinaaya xili ay munaasib tahay in la qabto Doorashada Madaxweynaha oo dhicitaankeeda lagu ballamay dabayaaqada Bisha aan ku jirno.

Xildhibaanada uu Jawaari arrintaasi ka wareystay qaarkood ayaa qaba in Doorashada lagu qabto mudada lagu ballamay, halka qaarna ay qabaan in la qabto dabayaaqada Bisha fooda nagu soo heysa.

Doorashada Madaxweynaha ayaa waxaa diyaarin doona Guddiga ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka, waxaana xiliga Doorashada go’aan ka gaari doona Xildhibaanada Baarlamaanka oo arrinkaasi kulan ka qaadan doona.

Docda kale, Jawaari qudhiisa ayaa qaba in Doorashada Madaxweynaha loo dibdhigo Bisha soo socota bartamaheeda, iyadoo sababta uu taa ku doortay lagu sheegay in mudada ka harsan Doorashada ay aad u yartahay, waxa uuna arragtidaasi ula gol leeyahay si loo helo Jawi degan oo ay ku diyaariyaan Doorashada muranka dhalisay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News