25 C
Mogadishu
Tuesday, January 20, 2026

Xildhibaanada oo dooran doona gudiga doorashada madaxweynaha

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Prof Max’ed Cismaan Jawaari ayaa sheegay in maanta la dooran doono Xildhibaanada ka shaqeyn doono Doorashada Madaxweynaha cusub.

Jawaari, ayaa sheegay in guddi uu ka koobnaan doono Golaha Shacabka iyo sidoo kale Aqalka Sare, kuwaa oo si siman uga qeybqaadan doona doorashada Madaxweynaha Somalia.

Jawaari waxa uu tilmaamay in kulankii ay wadaqaaten Guddoonka Aqalka Sare, ay isku afgarteen in maanta oo Talaado ah kulanka baarlamaanka lagu dhiso guddiga qaban-qaabada doorashada Madaxweynaha, kuwaa oo soo saari doona jadwalka doorashada iyo waqtiga kama danbeysta ah oo ay doorashada dhici doonto.

Guddigaani oo labada dhinac ka kooban ayaa ka shaqeyn doona Doorashada, waxaana lagu dhaqmi doonaa Jadwalka ay soo saaran.

Lama oga tirada ay noqon doonaan xubnaha Guddiga, waxaana lagu wadaa in Doorashada Madaxweynaha la dib dhigo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News